AGAASIMAHA GUUD EE WASAARADA DUULISTA IYO SARKAALKA AMAANKA U QAABILSAN MADAARKA CAASIMADA OO WADANKA INGIRIISKA KAGA QAYB GALAYA SHIR KU SAABSAN AMAANKA MADAARADA

0
Monday April 07, 2014 - 11:02:19 in by Super Admin
  • Visits: 736
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    AGAASIMAHA GUUD EE WASAARADA DUULISTA IYO SARKAALKA AMAANKA U QAABILSAN MADAARKA CAASIMADA OO WADANKA INGIRIISKA KAGA QAYB GALAYA SHIR KU SAABSAN AMAANKA MADAARADA

    Socdaalka Masuuliyiintani ayaa waxa lagu faahfaahiyey War saxaafadeed uu Xafiiskiisa magaalada Hargeysa ka soo saaray Afhayeenka Wasaaradda Duulista Saddam Maxamed Axmed, kaas oo u dhignaa sidan:-

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Socdaalka Masuuliyiintani ayaa waxa lagu faahfaahiyey War saxaafadeed uu Xafiiskiisa magaalada Hargeysa ka soo saaray Afhayeenka Wasaaradda Duulista Saddam Maxamed Axmed, kaas oo u dhignaa sidan:-

Wafti ka kooban laba xubnood oo ka tirsan Wasaaradda Duulista Hawadda iyo gaadiidka cirka Somaliland ayaa maanta gaadhay caasimada dalka Ingiriiska ee Lodon halkaasi oo ay kala qayb gali doonaan shir muhiim ah.

Waftigani oo uu hogaaminayey Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Duulista iyo Hawadda Mr.Cumar Cabdilaahi Aadan (Cumar-Sayid), isla markaana uu ka mid ahaa Sarkaalka dhinaca amaanka Madaaradda dalka ugu sameeya Cadnaan Isaaq Cali ayaa waxa ay halkaasi kaga qayb gali doonaa shir ku saabsan Amaanka Madaaradda dunida.


Socdaalka Masuuliyiintani ayaa waxa lagu faahfaahiyey War saxaafadeed uu Xafiiskiisa magaalada Hargeysa ka soo saaray Afhayeenka Wasaaradda Duulista Saddam Maxamed Axmed, kaas oo u dhignaa sidan:-

" Wafti ka kooban laba xunood oo kale ah Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Duulista iyo Hawadda Mr.Cumar Cabdilaahi Aadan (Cumar-Sayid), iyo Sarkaalka dhinaca amaanka Madaaradda dalka ugu sareeya Cadnaan Isaaq Cali ayaa maanta gaadhay Magaalada Lodon ee caasimada dalka Ingiriiska ka dib markii ay martiqaad rasmiya ka heleen dawlada Ingiriiska

 

Labada masuul ayaa waxay ay magaalda Lodon kaga qayb gali doonaan shir balaadhan oo ku saabsan sare u qaadida amaanka Madaaradda dalalka Ingiiska la saaxiibka ah oo ay Somaliland ku jirto, shirkaasi oo soco doona 07 ilaa 09 bishan January,  ayaa waxa xubanahi Somaliland ay ka jeedin doonaan khudbad ku saabsan xaalada amaan ee Madaaradda Somaliland iyo isbadal weyn ee Wasaaradda duulistu ay ku samaysay sanadihii ugu dambeeyey.

Shirkani ayaa waxa sidoo kale lagu falan qayn doonaanaa sidii loo abuuri lahaa iskaadhi iyo wada shaqayn ay yeesheen wadama shirka ka qayb galaya.”

ALLA MAHAD LEH.

Sadaam Maxamed Axmed

Afhayeenka Wasaaradda Duulista iyo Hawadda JSL.









Afkashacabka.com

Hargeysa /Office

Contact@afkashacabka.com