Daawo: Masuliyiinta Wakaalada Korontada oo ka hadlay Cillada Mashiinada Korontada iyo Madaxweyne kuxigenka oola sheegay inu dad shacab ah u sheegay in wershedda la iibinayo,mid cusub na la doonayo

0
Monday April 07, 2014 - 11:28:23 in by Super Admin
  • Visits: 745
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Daawo: Masuliyiinta Wakaalada Korontada oo ka hadlay Cillada Mashiinada Korontada iyo Madaxweyne kuxigenka oola sheegay inu dad shacab ah u sheegay in wershedda la iibinayo,mid cusub na la doonayo

    Xubno ka mid ah Khubarada Wershada Korantada Dawladda Hargeysa, ayaa sheegay in Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Saylici ku wargelinayey maamulka in la iibinayo waxa ka nool wershada.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xubno ka mid ah Khubarada Wershada Korantada Dawladda Hargeysa, ayaa sheegay in Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Saylici ku wargelinayey maamulka in la iibinayo waxa ka nool wershada.

Xubno ka mid ah Khubarrada Wershada Korantada Dawladda Hargeysa, ayaa sheegay in Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Saylici ku wargelinayey maamulka in la iibinayo waxa ka nool wershada.

Dhawaaqan ayaa soo baxay todobaad ka dib markii Korantadu ka maqnayd xaafaddaha Magaaladda qayb ka mida, taasoo Bulshaddu cabasho xoogan ka muujiyay.

Maamulka Korantada Dawladda ayaa siyaasad ahaan la hoos geeyay Wasaaradda Hawlaha Guud, taasoo aan waxba ka bedelin mushkilad hore u haysatay addeega Laydhka ee dawladda oo nalka siiya dhamaan goobaha kale ee addeega aasaasiga ah sida Cisbitaalada, Jeelka dhexe, Maxkamaddaha iyo xafiisyada kale ee dawladda.

Shir jaraa’id oo ay Maanta ku qabteen xarunta Wershada Engineeradu, waxay ku sheegeen inay fadhiisteen qaar ka mida Mishiinaddii Korantada dhalin jiray, una baahanyihiin in la bedelo "Mishiinka bakhtiyay wuxuu shaqaynayay  ilaa sanadkii 1980-kii oo la soo iibiyay, intaana in la dayactiro mooyaane lama bedelin.

Mishiinkaasi wuxuu shaqaynayay todobaatan kun oo saacadood (70,000), intaana waxa lagu soo waday uun sabaallo, markaa Maanta waxa laydhku u fadhiyaa waa siyaasadda xukuumadda madaxweyne ha ahaato ama wasiir ha ahaatee”sidaasi waxa yidhi engineerka guud ee Wershada oo laabatankii sanadood ee ugu dambeeyay gacanta ku hayay Mishiinnada.

"suurto gal maaha in la yidhaahdo Hay’ad dawladdeed ayaa la iibinayaa wax caqliga geli karana maaha, meeshaasina waxay u baahantahay Mishiino cusub in loo soo iibiyo, wax alaalle wax kale oo ay u baahantahay ma jirto”sidaana waxa yidhi Madaxa Maamulka Shaqaalaha ee Hay’adda korantadda.

Xubnahan ayaa sidoo kale sheegay inay Wershadda Korantada mustaqbalkeedu magan u yahay Madaxweyne Siilaanyo oo talaabo deg deg ah oo wax lagaga qabanayo dayactir la’aanta qaada.

Cabashada Bulshada

"Maamulka Meeshan haystaa ilaa hada waxa noo muuqata inay raali ka yihiin in Laydhku bakhtiyo oo sidan xaaladda dadku ahaato, hadii aanay sidaa ahayn hanoo caddeyaan meesha wax ka khaldanyihiin iyo cida waxan ka masuulka ah”sidaasi waxa yidhi Cabdinaasir oo degen Xaafadda Gol-jano, kana mid ah dadka adeega Korantadu ka maqanyahay intii Mishiinaddu bakhtiisnaayeen.

"Madaxweyne Magaalo bilaa korantada ah ma maamuli kartid,sagaal habeen ayay Hargeysa bilaa laydh tahay, adna aanad wax talaabo ah qaadin, oo aad ku daawanaysaa dadka mushkilada haysata”sidaasi waxa yidhi Mustafe Maxamed oo ka mida dadka ka shaqeeya arrimaha Bulshada.

Wasaaradda hawlaha guud

Wasaaradda hawlaha guud iyo Guriyeynta ayaan ilaa hada ka hadal laydh la’aanta soo foodsaartay dadka ku dhaqan caasimadda iyo xarumaha dawladda ee ay u bixi jirtay Korantada dawladdu.

Arrintan ayaa muujinaysa Masuuliyad daro weyn oo maamul iyo gaabis aanay wali bulshadu wax fikir ah ka haysan oo saameyntiisa yeelan doona, haatana wax layska waydiinayo, sida ay Gobanimonews u sheegeen xubno ka mida dadka ka faallooda arrimaha maamulka.

Saameyn guud

Doodda iyo dareen celinta ka dhalatay dabka korantada ee ka maqan Magaalada Hargeysa qaybo ka mid ah, ayaa ah arrin saameyn culus ku yeelatay adeegyada aasaasiga ah, nusqaan amni darona abuuri karta hadaan dhakhso wax looga qaban.

Laakiinse warka sheegaya in Madaxtooyadu ku talisay in la iibiyo wershadu maaha mid ay dadweynuhu dawladda ka aqbalayaan, isla markaana ay soo dhaweynayaan.

Sababtoo ah Laydhka dawladdu wuu ka naasilanyahay ka ay bixiyaan wershadaha gaarka loo leeyahay, hadiise ay dawladdu fasaxdo wershada ay maamusho waxa laga cabsi qabaa sicir barar ku yimaadda adeegan.

Sidaasooy tahay su’aasha ugu weyn ee dadka afkooda ka soo burqanaysa, ayaa waxay tahay "sideebay dawladdu u soo iibsan kari wayday Mishiinno cusub,isla markaana inta aanay dhicin xaalada iminka timi ay uga sii gaashaaman wayday”?.

Marka taasi laga yimaaddo isweydiinta kale ee taagan ayaa ah  qaabka uu Maamulka dawladdu  madax iyo Minjo arrintan xal ugu heli karo iyo waxa laga fili karo.





Afkashacabka.com

Hargeysa /Office

Contact@afkashacabka.com