MADAXEYNE KU XIGENKA SOMALILAND OO KA QAYB GALAY ,KULAN LAGAGA HADLAAYEY SIDII LOO HIR GALIN LAHAA SIYAASADA MAAMUL DADIJINTA HARGAYSA

0
Monday April 07, 2014 - 17:34:39 in by Super Admin
  • Visits: 869
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    MADAXEYNE KU XIGENKA SOMALILAND OO KA QAYB GALAY ,KULAN LAGAGA HADLAAYEY SIDII LOO HIR GALIN LAHAA SIYAASADA MAAMUL DADIJINTA HARGAYSA

    kulan lagaga hadlaayey wax qabadkii sannadkii hore ee mashruuca ay fuliyaan dowladaha hoose ee loo yaqano (JPLG) ayaa maanta lagu qabtay Hotel maansoor ee magaalada Hargeysa.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

kulan lagaga hadlaayey wax qabadkii sannadkii hore ee mashruuca ay fuliyaan dowladaha hoose ee loo yaqano (JPLG) ayaa maanta lagu qabtay Hotel maansoor ee magaalada Hargeysa.



Waxana xafladan ka soo qayb galay madaxweyne ku xegenka somaliland ,wasiirka wasarada caafimadka ,wasiirka wasarada biyaha wasiir ku xigenka arimaha gudaha mayaarada uu mashuurcan (JPLG) gu uu ka socado iyo madaxada hay,adaha tageera mashruucan.

 


 

 

Ugu horeyn waxaa munaasibadan ka hadlay madax mashruucan (JPLG) waxana uu sheegay in mashruucan (JPLG) G,u uu yahay mid si wacan u hir galay laguna guulaystay waxana u xusay in qiiman ay samayeen sida uu mashquuran uu uga hir galay sadexada degmo ee kugulaysatay la soo bandhigi doono Sadexada magalo ee ku guulaytay in mashruucani uu ka hir galo ayaa kala ah Burco,Berbera,Boorma ayaa waxaa lagu amaanay sida wacan ee ay u maamuleen isguna taxluujiyeen sida uu mashruucan uu u noqon lahaa mid hir gala.

Sidoo kale waxaa isna munaasibadaas ka halday wasiir ku xigenka aminga ee wasarada arimaha gudaha somaliland Cisamaan Garaad Soofe waxana uu ka sheekeyey mar xaladihii uu soo maray mashruucani oo uu sheegay in uu soo maray marxalado kala duwan balse iminka uu noqday mid hanaqaad ah waxana uu yidhi.

 

”todobada degamo waxay sadex degamo oo ka mid ahi ay ku guulayteen nasiibna ay u yeesheen markii la arkay oo aan aad uga mahad naqay o wasarada waxbarashada oo ah wasaradii ugu horay oo noqtay wasaaradii ugu horaysay ee la shaqaysa mashruucan oo xidhmo ka mid ah shaqadoodii iyo hawshii ay yagu gacanta ku hayn jirin u daa,dijiyeen sadex degmo o ay ka mid tahay degmada Burco,Berbera,Boorma xidhaamadaas oo ah waxabarashada aas aasiga ah ee (primiga )oo wasaarada waxbarshadu ay 100% gacanta ku hayn jirtay balse ay hada u daa,dijisay sexadaas degmo " Ayuu yidhi Waxana uu wasiir ku xigeenku uu kula dar darmay maayarada sedexdaas degamo in ay ka hawl galaan sidii ay mashruucaasi si wacan uga shaqaysiin lahyn kana dhigi layn mid hana qaad ah oo uu tilmaamay in ay yahiin maanta qaar lagu tijaabinaayo Ugu danbeentiina waxaa munaasiban ka hadlay soona gunaanaday madax weyne ku xigenka jamhuuryada somaliland Cabdiraxman Cabdilahi Saylici waxana uu sheegay in uu marka ugu horaysa uu u mahad naqaayo deeq bixaayayasha mashruucan taageera oo uu ku tilmaamay in ay ku bixiiyaan lacag aad u badan loona baahan yahay sidii looga faa,iidsan lahaa mashruucan oo uu ku tilmamay mid hada si wacan u socada waxana u yidhi”waxaa aynu haysanaa siyaasada maamul daa,dijin ah oo la ansixiyey ,golahii deganka oo la doortay iyo gudi wasiiro ah oo loo xil saaray oo u xil saran fulinta siiyaasada kana go,aantay in ay siyasadani dhaqan gasho sidaas darted waxay ka dhigi doontaaa in si haboon loo filyo siyaasadii maamul daajinta waxyaabaha ugu miihiim san ee maamul daadijinta lagu tijaabiyey si horumar loo gaadho gaar ahaan xaga waxbarashada wasaarada waxabarasha iyo sadex degamo ee Boorma Berbera iyo Burco ay ka mid yahiin waxayna kala sexeexdeen sidii loo daa,dijin lahaa qaybo ka mid ahaa maamulka waxbarashada dugsiyada hoose hiishiis kaasina waxaa uu noqday bilwaga dhaqan galin maamul daa,dijinta qaranka waxana mahada iska leh wasarda wax barashada iyo masuulyiinta sedexdaas degmo” Si kastaba ha ahaatee mashruucan (JPLG) ga ayaa noqaya mid xooga logu saaro sidii loo hir galin laahaa ama loo dhaqan galin ahaa maamul daadijnta oo hada sadex degamo tijaabo uu ku yahay mashruucani.


 






Afkashacabka.com

Hargeysa /Office

Contact@afkashacabka.com