Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA oo Cambaareeyey Xadhiga Wargeysa Hatuf

0
Monday April 07, 2014 - 18:36:12 in by Super Admin
  • Visits: 648
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA oo Cambaareeyey Xadhiga Wargeysa Hatuf

    Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee(SOLJA)wuxuu si adag u cambaaraynayaa falka foosha xun ee xukumadu kula kacday islamarkaana kula wareegtay guudahaan xaruntii wargayska madaxa bannaan eeHAATUFiyoSOMALILAND TIMES.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee(SOLJA)wuxuu si adag u cambaaraynayaa falka foosha xun ee xukumadu kula kacday islamarkaana kula wareegtay guudahaan xaruntii wargayska madaxa bannaan eeHAATUFiyoSOMALILAND TIMES.

Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee(SOLJA)wuxuu si adag u cambaaraynayaa falka foosha xun ee xukumadu kula kacday islamarkaana kula wareegtay guudahaan xaruntii wargayska madaxa bannaan eeHAATUFiyoSOMALILAND TIMES.

 

Waxa muuqanaysa in xukuumaddani caadaysatay wax aan dalka hore uga jiri jirin oo waliba soo noqnoqonaya, taas oo ah in ka badan laba urur oo ciidana dulgayso xarumaha warbaahinta iyadoo sharciga waddanka u yaalla ku tumanaysa, tusaale cadna waxa u noqonaysa falkiiHCTViyo kiiHUBAALiyo kan hadda kula kacdayHAATUF MEDIA GROUPkuwaasoo ay dhammaanba kulawareegtay xarummohoodii.

 

Waxaa halkaa ka muuqanaysa in fallalkani yihiin qorshayaal ku talagal ah oo ay xukumaddu go’aansatay inay kula dhaqanto saxaafadda iyo xorriyatul qawlka,

 

Sidaa darted waxaannu xukuumadda u sheegaynaa in aannu si adag uga soo hor jeedno dhaqankan cabudhinta iyo xoog sheegashada ah ee ay saxaafadda kula kacayso, oo ay ka fikirto saamaynta ay arrimaha noocan ahi ku yeelan karaan dalka iyo dadkaba,

Muslin kuma cabiidsamo Walloon madaxa kaa goyne

Muggii weel ma dhaafee allow mooska yaan jabinin

 

Xukuumadda waxaan usoo jeedinayaa dariiqan ay qaadday inuu yahay mid cawaaqib oo aan cidna u fiicnayn, sidaa awgeed waxaannu kula talinaynaa inay ka noqoto arrinta oo ay dalka sharciga ku hagto.

 

ALLAA MAHADLEH

 

 

XASAN MAXAMED YUSUF

GUD: URURKA SUXUFIYIINTA SOMALILAND


--


Somaliland Journalist Association (SOLJA)
Hargeisa main Office