Nickolas Kay oo Puntland ugu baaqay inay sida ugu dhakhsaha Badan cadaalada u horkeenaan Danbiilayasha Diley Shaqalihii Qaramada Midoobay

0
Tuesday April 08, 2014 - 11:52:09 in by Super Admin
  • Visits: 583
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Nickolas Kay oo Puntland ugu baaqay inay sida ugu dhakhsaha Badan cadaalada u horkeenaan Danbiilayasha Diley Shaqalihii Qaramada Midoobay

    Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Nickolas Kay, ayaa cambareeyay weerar lagu dilay laba sarkaal oo ka mid ahaa shaqaalaha hay'adda UNODC oo maanta lagu dilay Magaalada Gaalkacayo.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Nickolas Kay, ayaa cambareeyay weerar lagu dilay laba sarkaal oo ka mid ahaa shaqaalaha hay'adda UNODC oo maanta lagu dilay Magaalada Gaalkacayo.


Ergayga ayaa qoraal uu ka soo saaray dilka labada sarkaal ee lagu dilay Garoonka diyaaradaha Gaalkacayo, dilkaasi ku tilmaamay mid fool xun oo uu ka naxay "Waxaan cambaareynayaa dilka foosha xun leh. Saaxiibadeenna ka tirsanaa Qaramada Midoobay waxay u howl-gelaayeen siday u taageeri lahaayeen baahida dadka Soomaaliyeed ay u qabaan helitaanka mustaqbal ay nabad iyo xasillooni ku dheehantahay. Wax cudur daar ah looma helayo weerarka naxariis la’aanta ah” ayuu yidhi, waxaanu intaasi ku daray "Waxaan ugu baaqayaa masuuliyiinta in ay sameeyaan baadhitaan buuxa sida ugu dhaqsiyaha badan leh ee ay dambiileyaasha u hor keenaan caddaaladda, iyada oo aanay jirin wax dib u dhac ah. Waxaan tacsi u dirayaa qooysaskii iyo asxaabtii dadkii la dilay. Qaramada Midoobay waxay sii wedi doontaa taageerada muhiimka ah ay u fidineeyso dadka Soomaaliyeed, kuwaasoo kasoo kabanaya labaatameeyo sano oo xasilloni la’aan ay ka jirtay dalka”






Afkashacabka.com
Hargeysa /Office
Contact@afkashacabka.com