Khilaafaad Xoogan Oo Soo Food Saaray Maayirka Degmada Xariirad Iyo Maareeyaha Wakaalada Biyaha Ee Magaladaasi.

0
Tuesday April 08, 2014 - 12:37:30 in by Super Admin
  • Visits: 753
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Khilaafaad Xoogan Oo Soo Food Saaray Maayirka Degmada Xariirad Iyo Maareeyaha Wakaalada Biyaha Ee Magaladaasi.

    Khilaaf Ba'an Oo Sababay In Ay Biyo Beelaan Dadweynaha Magaaladda Xarriirad Ayaa Ka Dhex Taagan Maareeyaha Wakaaladda Biyaha Magaaladaasi Iyo Maayarka Kadib Markii Is Faham Waa Dhinaca Maamulka Biyaha Ahi Ka Dhex Qarxay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Khilaaf Ba'an Oo Sababay In Ay Biyo Beelaan Dadweynaha Magaaladda Xarriirad Ayaa Ka Dhex Taagan Maareeyaha Wakaaladda Biyaha Magaaladaasi Iyo Maayarka Kadib Markii Is Faham Waa Dhinaca Maamulka Biyaha Ahi Ka Dhex Qarxay.


Magaaladda Xarriirad Ayaa Shalay Ku Dhacday Biyo La’aan Kadib Markii Dad Diidan Maareeyaha Magaaladdaasi Ay Wasakh Ku Shubeen Taangiga Biyaha Waraabiya Xaafadaha Magaaladda Kaasoo Ay Ka Buuxiyeen Saxaro Iyo Qashin Kale Oo Keenay In Ay Dadweynuhu Ka Baqaan Caafimaad Darro In Ay Ka Soo Gaadho.


Fardawsa Xaashin Rayaale Oo Ah Maareeyaha Wakaaladda Biyaha Xarriirad Ayaa Xaqiijisay In Dhibaato Laxaadlihi Ka Taagan Tahay Nidaamka Maamul Ee Biyaha Magaaladda Oo Ay Sheegtay In Hoos Tagto Maayarka Balse Maayarku Uu Faragalin Ka Baxsan Awoodiisa Ku Hayo Oo Ay Ka Shaqayn Kari La’dahay.

Sidoo Kale, Maareeye Fardawsa Xaashin Waxa Ay Ka Dayrisay Wsax Ka Qabasho La’aan Ka Taagan Ceelka Biyo Soo Saarka Magaaladda Xarriirad Oo Ay Sheegtay In Roobkii Da’ay Uu Khatar Ku Hayo, Iyadoo Ku Baaqday Haddii Aan Laga Moosin In Daadku Qaadi Doono.

Dhinaca Kale, Maayarka Magaaladda Xarriirad Abuubakar Xasan Guuleed Oo Aanu Isku Daynay Dhiniciisa Inaanu Wax Ka Weydiino Ayaa Ka Jawaabi Waayey Telefoonkiisa.


Dhinaca Kale, Waxa Magaaladda Xarriirad Ka Taagan Khilaaf Kale Oo U Dhaxeeya Taliyaha Booliiska Degmadda Xarriirad Iyo Wiil Dhalinyaro Ah Oo La Sheegay In Uu Ka Tirsan Yahay Booliiska Kaasoo Eheladiisa Oo La Soo

Xidhiidhay Waaheen Ay U Sheegtay Taliyuhu In Uu Nidar Ku Maray In Uu Dilli Doono, Iyagoo Sheegay In Uu Magaaladda Ka Firxaday Oo Uu Dhinaca Itoobiya U Talaabay.


Ehelada Wiilkaasi Ayaa Waaheen U Sheegtay In Ergooyin Kala Duwan Oo Kala Hadlay Taliyaha Arrintan Uu Ka Diiday Isla Markaana Ay U Arkaan In Uu Doonayo Dhibaato In Ay Ka Dhex Dhacdo Labada Dhinac Haddii Wax Laga Qaban Waayo.





 Xigasho Wargayska Waaheen