Wasiirka Difaaca ee Dalka Mareykanka Oo Booqday Dekedda Qingdao Ee Dalka Shiinaha.

0
Tuesday April 08, 2014 - 12:42:35 in by Super Admin
  • Visits: 662
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirka Difaaca ee Dalka Mareykanka Oo Booqday Dekedda Qingdao Ee Dalka Shiinaha.

    Wasiirka Difaaca ee Mareykanka, Chuck Hagel, ayaa tegey dekedda Qingdao ee dalka Shiinaha si uu u booqdo markabka keliya ee diyaaradaha xambaara ee Shiinuhu leeyahay, taas oo muujineysa kobaca milatariga Shiinaha.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka Difaaca ee Mareykanka, Chuck Hagel, ayaa tegey dekedda Qingdao ee dalka Shiinaha si uu u booqdo markabka keliya ee diyaaradaha xambaara ee Shiinuhu leeyahay, taas oo muujineysa kobaca milatariga Shiinaha.

Sarkaal ka tirsan dowladda Mareykanka ayaa sheegay in Hagel uu dalbadey inuu booqdo markabkaasi oo magaciisa la yiraahdo Liaoning, waxaana taasi ay ku soo beegmeysaa maalin kadib markii uu ugu baaqey Shiinaha inuu si mas’uuliyad ku dheehan tahay u isticmaalo quwaddiisa dhanka xiriirka gobolka iyo murannada dhuleed intaba.

Hagel waxaa uu hadalkan ka jeediyey magaalada Tokyo maalintii Axadda, halkaas oo uu ka sheegay in xukuumadda Washington ay qorsheyneyso inay laba markab dagaal oo dheeri ah oo kuwa difaaca gantaallaha  u direyso Japan marka la gaaro sannadka 2017-ka si looga hortago khatarta ka imaneysa falalka Waqooyiga Kuuriya.

Xoghayaha Difaaca ee Mareykanka ayaa booqashada uu ku joogo Shiinaha waxay qaadan doontaa saddex maalmood, waxayna qeyb ka tahay booqasho toban maalmood uu ku marayo gobolka Asia-Pacific,si uu ugu xaqiijiyo dalalka ay isku bahda yihiin in Mareykanku uu ka go’an yahay dhaqangelinta heshiisyada difaaca ee uu kula jiro, kuna aaddan gobolka




 

Source: Idaacada VOA.