Guddiga Wanaag Farista iyo Xumaan reebista oo Guddomiye Cusub Doortay iyo Guddomiyihi hore oo ka hadlay Darenkiisa

0
Tuesday April 08, 2014 - 16:13:32 in by Super Admin
  • Visits: 990
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Guddiga Wanaag Farista iyo Xumaan reebista oo Guddomiye Cusub Doortay iyo Guddomiyihi hore oo ka hadlay Darenkiisa

    Guddida Wanaag Farista Iyo Xumaan Reebista Somaliland Ayaa Maanta Shaaciyey In Ay Doorteen Guddoomiye Cusub Ka Dib Markii Dhawaan Ay Shaqadii Ka Joojiyeen Guddoomiyahoodii Hore.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddida Wanaag Farista Iyo Xumaan Reebista Somaliland Ayaa Maanta Shaaciyey In Ay Doorteen Guddoomiye Cusub Ka Dib Markii Dhawaan Ay Shaqadii Ka Joojiyeen Guddoomiyahoodii Hore.

Guddida Wanaag Farista Iyo Xumaan Reebista Somaliland Ayaa Maanta Shaaciyey In Ay Doorteen Guddoomiye Cusub Ka Dib Markii Dhawaan Ay Shaqadii Ka Joojiyeen Guddoomiyahoodii Hore.

Warsaxaafadeed Ay Soo Saareen Oo Nuqul Ka Mid Ahi Soo Gaadhay Xafiiska Wararka Ee Shabakada Caalamiga Ah Ee Afkashacabka.com Ayaa U Dhignaa Sidan:-

” Haddi Aanu Nahay Gudiga Wanaag Farista Iyo Xumaan Reebista Ee Jamhuuriyadda Somaliland Waxanu Cadaynaynaa In Aanu Xilkii Gudoomiyenimo Ee Gudiga U Igmanay: Sheekh Cabdiraxmaan Muxamed Cabddale Cali Oo Noqonaya Gudoomiyihii Sadexaad Ee Gudiga Wanaag Farista Iyo Xumaan Reebista Ee Jamhuuriyadda Somaliland.

Kadib Kulan Aanu Isugu Nimi 7/6/1435 Kuna Beegnayd 7/4/2014 Oo Ay Kasoo Qayb Galeen Xubnaha Gudiga Wanaag Farista Iyo Xumaan Reebista Dhamaanyood Na Isku Waafaqeen Gudomiyaha Cusub.

Warsaxafadeedka Gudigani Ayaa Lagu Sheegay In Wadda Tashi Iyo Falanqayn Dheer Kadib Laysku Raacay In Xubinta Xilkani Gudomiye Nimo Loo Magacaabayo Uu Yeesho Shuruudahan Hoos Ku Qoran:-

1-Waa In Uu Yahay Nin Aqoon Diineed Iyo Mid Maadi Ahba Leh Kana Shaqeeyay Dacwadda.

2-Waa Inuu Yahay Waayeel Waayo Aragnimo Uleh Habmaamuleedka Dacwadda

3-Waa Inuu Yahay Nin Degan Oo Dad La Dhaqan Wanaagsan Leh

4-Waa Inuu Yahay Nin Ogol Talo Wadaag Oo Aan Ahayn Keligii Talis

5-Waa Inuu Yahay Nin Dabooli Kara Ama Ku Haboon Xidhiidhka Dadweynaha Dawladda Iyi Gudida

6-Waa In Uu Yahay Nin Hawsha Qaban Kara Isla Markaana Firaaqo U Haya.

Sidaas Daraadeed Waxa Laysku Waafaqay In Uu Shuruudaha Buuxiyay Sh- Cabdiraxmaan Muxamed Cabdale Cali


Dhinaca Kale Guddomiyihii hore ee Xilka laga caydhiyey Sh Maxmed Xaji Maxamud Xiirey oo ka hadlay Dareenkiisa ayaa sheegay in sifo sharciya aan xilka looga qaadin, dariiqii saxda ahaa na an la marin balse iminka isagu Banaanka ka  joogo guddiga, xubina anu ka ahayn xilna ka haynin, Diintana uu ugu adeegi doono si kasta oo loogu adeeki karo, koox iyo urur na aanay ku xidhnayn u hiilitaan iyo fidinta  Diinta islaamku waxnau yidhi " Anigu iminka Xubina kama ihi, gudoomiye na kama ihi, oo waataa dee  afduub baa dhacay,  Arrinkaasna sidaasu ku dhammaaday cid is abaabuushay ayaan arrinkaas gashay, odayaashiina markii danbe way ku raaceen, Anigu iminka Xubina kama ihi, gudoomiye na kama ihi, qaabkuu u dhacayna qaabkii wanagsanaa maaha, meeshi dibadda ayan ka ahay iminka, iyaguna sidaasay go'aamiyeen, waxa weye waanu kala dhammaanay, diintuna urur iyo koox midna kuma xidhna, qof kastoo muslim ah na masuuliyad ba ka saaran diinta, abaabul qolo soo abaabushay oo odayada ay geliyeen oo la garanayo cidii soo abaabuushay ee meel walba la tagtay ee fidisay ayu ahaa" ayu yidhi Guddomiyihii hore guddiga wanag farista iyo xuman reebista somaliland


Wasiirka Diinta iyo awqaafta JSL Sh.khaliil cabdilaahi ayaan weli ka hadal arrimahan galaaftay xilka guddomiyaha wanaag farista kaaso maalmihii u danbeeyey si weyn u qaadaa dhigaysay warbaahinta madaxa banaan.





Afkashacabka.com

Hargeysa /Office

Contact@afkashacabka.com