Xisbiga Waddani Oo Si Kulul Uga Hadlay Xayiraada Wargayska Haatuf Iyo Laydh La,aanta Qaybo ka mida Hargays.

0
Tuesday April 08, 2014 - 16:53:13 in by Super Admin
  • Visits: 1002
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xisbiga Waddani Oo Si Kulul Uga Hadlay Xayiraada Wargayska Haatuf Iyo Laydh La,aanta Qaybo ka mida Hargays.

    Xisbiga Mucaaridka Ah Ee Wadani Oo Maanta Shir,Jaarid Ku Qabatay Xafiiskooda Ayaa Waxaa Ay Kaga Hadleen Kuna Canbaareeyeen Falkii Lagula Kacay Wargayska Haatuf Oo Maalintii Shalay Ay Ciidamada Booliska Somaliland Gabi Ahaanba La Wareegeen .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xisbiga Mucaaridka Ah Ee Wadani Oo Maanta Shir,Jaarid Ku Qabatay Xafiiskooda Ayaa Waxaa Ay Kaga Hadleen Kuna Canbaareeyeen Falkii Lagula Kacay Wargayska Haatuf Oo Maalintii Shalay Ay Ciidamada Booliska Somaliland Gabi Ahaanba La Wareegeen .


wadaniii
Waxaana Ay Masuuliyiinta Xisbiga Wadani Xuseen In Ay Xukuumada Ku Tahay Talaabadaasi Ceeb Iyo Wax Laga Xumaado Dhabar Jabna Ku Ah Xariyatul-Qawlka Iyo Madaxbanaanida Saxafada.

Ugu Horayn Waxa Halkaasi Ka Hadlay Xoghayaha Guud Ee Xisbiga Mucaaradka Ah Ee Wadani Maxamed C/Laahi Uurcade Waxaana Uu Sheegay In Uu Xukumada Ku Dhaliilayo Sida Ay Ula Dhaqmayso Isla Markaana Ay U Burburinayso Xoriyatulqowlka Isagoo Xukumada U Soo Jeediyey Una Baaqay In Ay Iska Ilaaliso Wixii Waxa U Dhimaya Madax Banaanida Xariyada Hadalka.

Geesta Kale Waxa Halkaasi Ka Hadlay Xoghayaha Arimaha Gudaha Ee Xisbiga Wadani Mustafe Maxamuud(Qodax) Waxaana Uu Sheegay In Ay Somaliland Ku Faani Jirtay Nabada, Madax Banaanida Saxaafada Iyo Xoriyatul-Qowlka Balse Taasi Ay Noqotay Mid Lagu Tuntay Waxaana Uu Yidhi:-"Hadii Aynu Nahay Reer Somaliland Waxa Aanu Iibin Jirnay Amaanka  Oo Runtii Tiirarka Uu Ku Taaganyahay Ay Kamid Tahay Cadaaladu  Cadaladuna Yada Laftigeeda Waxaa Laga Dhex Dheehan Jiray Xoriyatul-Qawlka Iy Saxaafadeena Arintaas Wargeeska Haatuf  Lagu Xanibayna Aad Iyo Aad Baanu U Canbaareynaynaa   Waxanan U Sheegaynaa Umada Reer Somaliland Gudo Iyo Dibad Ba  Xukuumadu Waxay Ku Qarinaysaa Ceebaheeda Ayey Runtii Ku Qarinaysaa Cago Juglaynta Iyo Cadaadiskan Ay Saarayso Saxaafada Oo Aan Qarsoomayn Oo Aanu Runtii Aanu Aaminsanahay  In Ay Kala Kulmi Doonto Kacdoon Dad Weyne Iyo In Dadku Si Furan Uga Jawaabo Arintan "

Dhinca Kale Xoghayaha Arimaha Gudaha Ee Xisbiga Wadani Oo Ka Hadlaya Laydh La,Aanta Ka Jirta Caasimada Hargaysa Oo Warshadii Laydhku Ay Fadhiisatay Waxaana Uu Ceeb Iyo Wax Laga Xumaado Ku Tilmaamay In Dadkii Xukumada Soo Doortay Ay Habeen Oo Dhan Ku Jiraan Mugdi Isagoo Xukumada Ku Taliyey In Ay Ceeb Iyo Wax Laga Xumaado Ay Tahay In Shacabigii Soo Dooratay Ay Hada Habeenkii Mugdi Iyo Madow Ku Noolyahiin  Waxana Uu Xukuumada Ku Taliyey In Arintaas Wax Ka Qabato Waxan U Yidhi”Caasimadii Somaliland Ee Murayadii Dalka Ahayd  Ayaa Laydh  La,Aan Ah ,Biyo La,Aan Ah Maxkamadaheeni Bay Warqado Ka Soo Bixin Oo Computeradii Ka Fadhiyaan  Madaxtooyada Horteedii Iyo Dabadeedii Baa Bilaa Laydh Ah Runtii Qarsoomi Mayaan Ceebahaasi   Wax Kale Oo Lagu Faano Iyo Dig Dig Kale Iyo Waaxaasi Shaqayn Maayaan Ee Xilkii Aad Umada U Hayseen Waad Ku Fashilanteen Ee Umada  Xilkeedii U Soo Celiya Aayaan Idiin Leeyahay " Ayuu Yidhi Xogahaya Arimaha Gudaha Ee Xisbiga Wadani Mustafe Qodax.






Afkashacabka.com

Hargeysa /Office

Contact@afkashacabka.com