Wasiirka Arimaha Dibada Somaliland Oo Dalka Ku Soo Guryo Noqday Kana Waramay Aqoonsiga SHAFIELD Iyo Ujeedada Safarkiisa

0
Tuesday April 08, 2014 - 20:47:50 in by salman abdi
  • Visits: 785
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirka Arimaha Dibada Somaliland Oo Dalka Ku Soo Guryo Noqday Kana Waramay Aqoonsiga SHAFIELD Iyo Ujeedada Safarkiisa

    Wasiirka Arrimaha Dibada Ee Somaliland Maxamed Biixi Yoonis Ayaa Sheegay In Uu Waddo Qorshe Uu Dib U Eegis Ku Sameynayo Safiirada Kala Duwan Ee Somaliland U Qaabilsan Qaar Ka Mid Ah Dalalka Caalamka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka Arrimaha Dibada Ee Somaliland Maxamed Biixi Yoonis Ayaa Sheegay In Uu Waddo Qorshe Uu Dib U Eegis Ku Sameynayo Safiirada Kala Duwan Ee Somaliland U Qaabilsan Qaar Ka Mid Ah Dalalka Caalamka

 Waxaanu Sheegay In Uu Muddo Dheer Darsayey Safiirada Shaqeeya Iyo Kuwa Aan Shaqeyn, Isla Markaan Go’aan Degdeg Ah Uu Ka Soo Saari Doono.812Waxa Kale Oo Uu Ka Hadlay Safarkii Uu Ku Tagay Magaalada Sheffield Ee Dalka Ingiriiska Oo Uu Ka Qaybgalay Munaasibadii Golaha Deeganka Ee Magaladaasi Uu Somaliland Ku Aqoonsanayey, Waxa Kale Oo Uu Ka Hadlay Ciidamo Gaar U Ah Hay’adaha Shidaalka Ka Badhay Somaliland Oo Dhawaan La Hawlgalin Doono.2141Sidaasi Waxa Uu Ku Sheegay Mar Uu Maanta Warbaahinta Ugu Warameyey Qolka Nasashada Ee Madaarka Cigaal Ee Hargeysa.5172Wasiirka Arrimaha Dibada Oo Ka Hadlayey Safarkiisi Sheffeild Ee Golaha Deegankaasi Somaliland Ictiraafeen Ayaa Waxa Uu Yidhi."Waxaan Ka Qaybgalay Xafladii Wayneyd Ee Golaha Deeganka Sheffield Ku Aqoonsanayey Somaliland Iyo Xafladii Ay Sameyeen Jaaliyadda Reer Somaliland Ee Halkaasi Degen, Runtii Ictiraafka Layna Siiyey Wuxu Ku Saabsanaa Horumarkaaynu Gaadhnay, Sidda Dimuqraadiyada Dalkeena Ka Jira Nabad Gelyda, Doorashooyinka Aynu Qabano, Iyo Inaga Oo Muddo 23 Sanno Ah Gaar U Taagneyn, Markii Ay Arrimahaasi Oo Dhan Ay Fiiriyeen Golaha Deegnaka Sheffeild Ayaa Ay Somaliland Aqoonsadeen, Runtii Waa Bilaw Waana Jidkii Ugu Horeyey Ee Aqoonsiga Guud Ee Somaliland, Waxanuna Filaynaa In Magaalooyin Kale Oo Ingiiriska Ah Ay Ina Ictiraafan, Isla Markaan Uu Golayaasha Deeganka Ka Gudbidoono Una Gudbidoono Ictiraafkeenu Dawaldaha Waaweyn. "Ayuu Yidhi.

Mar Uu Ka Hadlayey Warar Sheegaya In Aanay Mideysneyn Jaaliyada Reer Somaliland Ee Sheffeild Ayaa Waxa Uu Yidhi. "Runtii Jaaliyaduhu Way Soo Dhaweeyen Ictiraafkaasi, Waayo Marka Arrinka Qaranimada Laga Hadlayo Mid Ayey Ka Noqdaan.”Ayuu Yidhi.

Kadib Markii Uu Wasiirku Dhameystay Shirkii Jaraa’id Ayaa Waxa Su’aalo Waydiiyey Warbaahinta, Ugu Horeyna Waxa La Weydiiyey Warar Ay Warbaahintu Qoreysay Oo Sheegaya In Lacag Uu Madaxweynuhu Waftiga Sheffeild Tagey U Dhiibay Oo Loogu Tallo Galay Agaasinka Hawshaasi Uu Wasiirka Macdantu Cunay Waxaanu Yidhi. "Walaahi Anigu Lacagtaasi War Uma Hayo Uma Malaynayo In Uu Safiirkuna War U Hayo, Laakiin Marka Aanu Soo Ogaano Ayaanu War Idinku Soo Celindoona.”Ayuu Yidhi.

Mar Wasiirka La Waydiiyey In Siyaasiyiinta Wasarada Arrimaha Dibada Dhaliila Ay Yidhadan Wasiirku Wuu Ka Gaabiyey In Uu Waxa Ka Badalo Safiirada Somaliland U Qaabilsan Caalamaka Ayaa Wax Auu Yidhi. "Dabcan Taasi Anigay I Khuseysaa, Oo Siyaasiyiinta Hadalada Meelahaasi Ka Leh Ma Khusayso, Meeshan Aniga Wasiirka Arrimaha Dibada Ka Ah, Hasayeeshe Sidaad La Socoto Dabcan Marka Uu Qof Masuul Ahi Jago Qabto Wuxu U Baahan Yahay In Wakhti La Siiyo, In Uu Darso In Uu Fahmo, Iyo In Uu Arko Hawlaha Laga Qabtay Wasarada Iyo Safaaradaha Dibada, Oo La Eego Tii Loo Bahan Yahay Iyo Tii Aan Loo Bahnayn Qor Shaheedi Ayaan Wada, Insha Allahan Wakhtiga Ugu Haboon Ayaan Ku Dhawaaqidoona Wixii Aan U Bahdo In Laga Badalo.”Ayuu Yidhi

Afkashacabka.com
Hargaysa/Office
Contact@afkashacabka.com