Madaxweyne Siilaanyo Oo Magacaabay Guddida Qaban-qaabada Munaasibada 18-ka May.

0
Tuesday April 08, 2014 - 20:59:55 in by salman abdi
  • Visits: 853
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Siilaanyo Oo Magacaabay Guddida Qaban-qaabada Munaasibada 18-ka May.

    Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud(Siilaanyo) Ayaa Maanta Magacaabay Guddida Qaban-qaabada Xuska Munaasibada 18-ka May

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud(Siilaanyo) Ayaa Maanta Magacaabay Guddida Qaban-qaabada Xuska Munaasibada 18-ka May

 Kaas Oo Uu Guddoomiye U Yahay Wasiirka Wasaarada Arimaha Guddaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Cali Maxamed Warancade

Waxaana Warsaxaafadeed Ka Soo Baxay Xarunta Qasriga Madaxtoonyada Somaliland Uu U Dhignaa Sidan:-

War-Saxaafadeed-Date: – 08/ 04/2014

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo, Waxa Uu Digreeto Madaxweyne Oo Sumadeedu Tahay, JSL/M/MG/241-2387/042014 Ku Magacaabay Guddida Qaban-Qaabadda Xuska 18 May, Oo Uu Gudoomiye U Yahay Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha JSL, Mudane Cali Maxamed Warancade.

MAGACAABID.

Ku: Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha (Guddoomiye) Hargeysa

Ku: Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta,Dhaqanka Iyo Wacyigelinta Hargeysa

Ku: Wasiirka Wasaaradda Wax-Barashadda Iyo Tacliinta Sare Hargeysa

Ku: Wasiirka Wasaaradda Dib-U-Dejinta Hargeysa

Ku: Wasiirka Wasaaradda Dhalinyarada, Ciyaaraha Iyo Dalxiiska Hargeysa

Ku: Wasiirka Wasaaradda Boosaha Iyo Isgaadhsiinta Hargeysa

Ku: Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Hargeysa

Ku: Agaasimaha Guud Ee Wasaaradda Madaxtooyadda Hargeysa

Ku: La-Taliyaha Madaxweynaha Ee Arrimaha Dadka Laga Tirada Badan Yahay Hargeysa

Ku: Maayarka Caasimadda Hargeysa Hargeysa

Ku: Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye Nac-Nac Hargeysa

Ku: Mudane, Cabdillaahi Jaamac Cismaan (Geeljire) Hargeysa

Ku: Xubin Ka Mid Ah Isu-Tagga Dallada Hay’adaha Aan Dawliga Ahayn (SONSAF) Hargeysa

Ujeeddo: Magacaabid Guddida Qaban-Qaabadda Xuska 18 May.

Mudaneyaal Iyo Marwooyin,

Sida Aad La Socotaan Waxa Foodda Inagu Soo Haya Haddii Eebe Idmo Xuska Sanad Guuradda 23aad Ee Maalinta Qaranimada Somaliland Ee 18 May, Maalintaas Oo Mudan Xus Iyo Xusuus Gaar Ah.

Sidaas Darteed, Waxa Aan Mas’uuliyiinta Qoraalkani Sida Tooska Ah Ugu Socdo U Magacaabay Guddida Heer Qaran Ee Qaban-Qaabadda Xuska Sanad-Guuradda 23aad Ee Maalinta Qaranimadda Jamhuuriyadda Somaliland Ee 18 May.

Haddaba, Waxaan Guddida Qaban-Qaabadda Ka Rajaynayaa Inay Xil Qaranimo Iska Saari Doonnaan Xuska Maalinta 18 May Oo Mudan Qadarin Gaar Ah. Sidoo Kale, Maamullada Gobollada Iyo Degmooyinka Waxa Aan Farayaa Inay Guddida Gacan Buuxda Ku Siiyaan Gudashada Hawshan.

ALLAA MAHAD LEH

Axmed Saleebaan Maxamed (Dhuxul)

Af-Hayeenka Madaxtooyada JSL.