Wasaaradda Tamarta Somaliland Oo Daha Ka Rogtay In Shirkadda Dong Song Energy Group, Dalka Ka Bilaabayso Sahamin Macdaneed

0
Tuesday April 08, 2014 - 21:15:14 in by salman abdi
  • Visits: 886
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasaaradda Tamarta Somaliland Oo Daha Ka Rogtay In Shirkadda Dong Song Energy Group, Dalka Ka Bilaabayso Sahamin Macdaneed

    Kulan ay wada yeesheen Wasaarada Macdanta iyo tamarta Somaliland iyo Wefti ka socda Shirkada Dong Song Energy Group LMT oo laga leeyahay Dalka China

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kulan ay wada yeesheen Wasaarada Macdanta iyo tamarta Somaliland iyo Wefti ka socda Shirkada Dong Song Energy Group LMT oo laga leeyahay Dalka China

 ayaa lagu wada gorfeeyey sidii ay shirkadaasi dalka uga bilaabi lahayd hawlo sahamin ah oo ay si hordhac ah ugu sahan tagayso meelaha lagu tuhmayo in shidaal laga baadhi karo ee Gobollada iyo degmoyinka Dalka.

Kulankasi oo lagu qabtay Hotelka maansoor ee Magaalada Hargeysa ayaa waxa faah faahin ka bixiyey markii uu dhamaaday Wasiirka Wasaaradaasi Eng. Xuseen Cabdi Ducaale waxaanu yidhi "Shirkan oo ka dhex dhacay Wasaaradda Macdanta iyo tamarta iyo wefti Culus oo ka socday China, shirkadda la yidhaahdo Dong Song Energy Group LMT oo aanu Heshiis hordhaca la yeelanay, markaa waxa uu shirkani ku saabsanaa Hawshii ay u yimaadeen Waftigan Hordhaca ahi, sidii ay Hawlgalada ay inoo wadaa u bilaabi lahaayeen ayaanu ka arinsanaynay wasaarada iyo weftigan oo ku dhawaad labaataneeyo ah oo isugu jira madax iyo Aqoonyahano furuuc badan leh, markaa waxa dhawaan bilaabmaya inay weftigaasi saddex qaybood isku qaybiyaan, ka dibna dalka ayey meelaha ay u baahan yihiin inay soo eegaan ayey ku tagi doonaan sahan hordhac ah, baadhitaanka qotada dheeri wuxuu imanayaa marka dambe, laakiin imika goobaha ay tuhmayaan inay wax ka heli karaan ayey tagayaan”.

Dhanka kale, waxa uu wasiirku Baaq u diray Shacbiga reer Somaliland ee dagan deegaanaga ay shirkadu ka bilaabayso Sahaminta "Shacabka waxaan u sheegayaa shirkaasi waa shirkad muhiin maanta inala joogta ee Chinese ka ahi, hawl muhiim ahna dalka way u wadaa, niyad sami iyo kalsooni waynbayna ku qabaan inay dalka wax inooga qaban doonaan xaga macdanta, sidaa awgeed waxaan kula dar daarmayaa kana baryayaa shicibka dalkeena ku nool ee deegaanada ay imanayso shirkadani in la soo dhaweeyo oo gacmo furan iyo wanaag la tuso oo la tuso inaynu diyaar u nay in dalkeena la maal gashado oo wax la inooga qabtay si aynu khayraadkiisa uga faa’iidaysano, markaa shirkadaasi waxba xag xagasho iyo dareen yaanay qaadan deegaanada ay tagayaana ha soo dhaweeyaan”.

Agaasimaha Guud ee Wasaarada Macdanta iyo tamarta ayaa isaguna ka hadlay kulan kaasi waxaanu yidhi "Muhiimada shirkan ka soo baxday wuxuu yahay in shirkada Bong Song la yidhaahdaa inoo timid, taasi oo khubaradeedii iyo Engineeradii iyo maal qabeenkeedii intiiba wadata inay wadankii inoogu yimaadeen diyaarna ay u yihiin inay maalgashadaan waxna ka soo saaraan khayraadka ku jira wadankeena, oo ay dhuxushu u horayso waayo waxaynu tuhunsan-nahay in meelo badan oo waddankeena ka mid ah ay dhuxushu ku jirto, waxyaalo badan oo ay inagala maqan tahay ayaa jira oo ay ka mid tahay koronto la dhalin karo dhuxushaasi, maanta waxaynu aragnaa inay Hargeysa qaybi bilaa koronto tahay oo enginadii fadhiisteen markaa hadii aynu dhuxushaa ka faa’iidaysano, waxaynu helaynaa koronto jaban oo aynu wax walba ku qabsan karno”.

Ugu dambayntii guddoomiye ku xigeenka Shirkadaasi Mao Jie ayaa sheegay inay Khabarada Shirkaasi Somaliland ka samayn doonaan Sahamin Gobollada iyo Degmooyinka Dalka.

Maaha markii ugu horaysay ee ay dalka timaato shirkad ku shuqule shidaalka iyo macdanaha Dalka balse waxay shirkadani si hordhac ah ugu samayn doontaa sahan sidii ay dalka uga baadhi lahayd khayraadka kala duwan ee la xidhiidha shilaalka.


Afkashacabka.com
Hargaysa/Office
Contact@afkashacabka.com