RIYADEEDII WANAAGSANAYD MAY U RUMOOBIN LAAKIIN ADIGAA U RUMAYN KARA MAXAMED TAAJIR

0
Tuesday April 08, 2014 - 23:02:51 in by salman abdi
  • Visits: 1072
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    RIYADEEDII WANAAGSANAYD MAY U RUMOOBIN LAAKIIN ADIGAA U RUMAYN KARA MAXAMED TAAJIR

    Waagii ay inanta hayd waxa ugu badan ee ay ku fakartaa waxa uu ahaa inay nolasho ladnaan ku dareemi doonto,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waagii ay inanta hayd waxa ugu badan ee ay ku fakartaa waxa uu ahaa inay nolasho ladnaan ku dareemi doonto,

ka soo saaran jirtay. Markay aragtay odaygeeda oo aan wax macno ah oo buuran aduunka u joogin, xilna aanu saarnayan, calooshay adkaysatay oo waxay nafteeda ku maaweelin jirtay "inamadaada ayaa ku anfici doona”, wayna saxnayd oo waa ay anfici lahaayeen hadii ay ka leexdaan wadadii aabahood uu ku lumay. Mudo dheer kadib, 

wiilasheedii kore oo rag noqde ama ku dhawaade, laakiin kama aragto ififaale wanaagsan, goordanbe ayuunbay gudayaan,salaadii way hurdaan, duhurkiina waa u dhalandhool,marar badan ayay caloosha iska tidhi waa aabahood oo aan biyo is marin, hayeeshee damiirkeedu arinkaas diid indhahana ka la’lisay. Hooyadu waa qofka kaliyaata ee bixiya kalgacayl aanay shuruudi ku xidhnayan,

 umana qalanto in loo rumayn waayo riyooyinkeeda barwaaqada xanbaarsan, dhibkuse waxa uu yimi markii ragu qaadka ku foofay mid ay dhashay iyo mid ay u dhaxdayba. Arinku kala cadaa, inamadii waa ay hiiftamayaan, waa ay qaadiraysan yihiin,lacag uunbay baafinayaan aanay wadadii lagu heli lahaana haynin, intii ay helaana dabka ayay u saaraan sidii nolshu maanta tahay, maxay hooyo samaysaa kuwanina waa aabahood oo aan biyo is marin, amse kaba sii daran. Qalbi jabtay, calooshii ay adkaysatayna laysla soo dhaaf, 

markan waa maqane jooga,farxad ma taqaano, mana ku fakarto inay helayso, yaabtay oo nasiibka eersatay se kaligeed kuma aha arinkan, isla sheekaysatay oo dhibka ku soo ururisay qaadka oo odaygii iyo inamadiiba ka qaatay. Akhriste hooyo ciilan ayaa taageero kaaga baahan, mid kuu hurtay waxii ay awoodaysay oo dhan ayaa wax yar oo farxad ah kaa sugaysa,waxase kaa hortaagan qaad iyo inaad qiimayso waxii ay kuu hurtay, adigaa dhibka jira wax ka qaban kara, ha’laaban gacmahaaga, hana sii jeedin damiirkaaga fiican ee u rumee riyadeedii luntay, farxad ha la noolaatee!!.





M TAAJIR
Hargeysa