TOP NEWS:-SHIRKADA CAANKA AH EE YAHOO OO LA JABSADAY

0
Sunday February 02, 2014 - 20:16:45 in by Super Admin
  • Visits: 858
  • (Rating 2.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 1 0
  • Share via Social Media

    TOP NEWS:-SHIRKADA CAANKA AH EE YAHOO OO LA JABSADAY

    Shirkada caanka ah ee Yahoo ayaa sheegtay in la jabsaday ciwaanadii iyo Number sireedkii(Passwords) ay macaamiishooda isticmaali jireen. masuuliyiinta shirkada waa ay diideen ay sheegaan tirada saxda ah ee ciwaanada la xaday.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Afka Shacabka
Shirkada caanka ah ee Yahoo ayaa sheegtay in la jabsaday ciwaanadii iyo Number sireedkii(Passwords) ay macaamiishooda isticmaali jireen. masuuliyiinta shirkada waa ay diideen ay sheegaan tirada saxda ah ee ciwaanada la xaday.
War bixin ay internetka ku shaaciyeen shirkada fadhigeedu yahay gobolka California ee dalka mareykanka ayaa lagu xusay in dhac weyn loo geystay ciwaanada macaamiil fara badan.

Sida laga soo xigtay shirkada Yahoo, liiska ciwaanada la xaday ayaa u dhigma 3 meelood meel oo ah guud ahaan ciwaanada Yahoo ee caalamka oo dhan laga adeegsado.

Yahoo ma aysan bixinin faahfaahin dheeraad ah oo ku aadan sida uu weerarkaasi u dhacay, hase ahaatee waxa ay xuseen in ay la shaqeynayaan masuuliyiinta federaalka Mareykanka, si dacwad loogu soo oogo dadka falkaasi ka dambeeyay.

Si loo adkeeyo amaanka ciwaanada macaamiisha, Yahoo ayaa hada adeegeeda ku soo kordhisay galitaan labaad oo qofka ciwaankiisa uga baahanyahay.