"Somaliland Waa Dal Tusaale Caalamka Ugu Noqday Nabadgalyada, Dimuqraadiyadda Iyo Soo Dhowaynta Martida.." Wasiir Xirsi

0
Monday June 01, 2015 - 11:32:03 in by Burco Office
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Somaliland Waa Dal Tusaale Caalamka Ugu Noqday Nabadgalyada, Dimuqraadiyadda Iyo Soo Dhowaynta Martida.." Wasiir Xirsi

    Wasiirka Madaxtooyada Md. Xirsi Cali Xaaji Xasan, ayaa sheegay in dalka Jamhuuriyadda Somaliland tusaale ugu tahay caalamka dhinacyada kala duwan ee nabadgelyada, dimoqraadiyadda iyo soo dhawaynta dadka maatiga ah.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka Madaxtooyada Md. Xirsi Cali Xaaji Xasan, ayaa sheegay in dalka Jamhuuriyadda Somaliland tusaale ugu tahay caalamka dhinacyada kala duwan ee nabadgelyada, dimoqraadiyadda iyo soo dhawaynta dadka maatiga ah.


Wasiir Xirsi ayaa qoraal uu ku baahiyey boggiisa facebook ee internet-ka, waxa uu ku sheegay in dawladda Somaliland si fiican u qaabishay qaxootiga ee ka soo qaxay colaadaha ka socda dalka Yemen, isagoo xusay in arrintaasina tahay mid Somaliland u leedahay dhaqan fiican.


"Waxa muddooyinkii u dambeeyey dagaallo xooggan ka socdeen xoogagga is caabbinaya ee ku hirdamaya waddanka Yemen oo xudduud badda ah la leh Somaliland, waxaanay dagaalladaasi sababeen baro-kac baaxad badan oo ku yimaad shacabka kala jinsiyadda duwan ee ku dhaqnaa dalkaas.

Sida la ogyahay Jamhuuriyadda Somaliland oo muddooyinkii u dambeeyey ahaa dal caalamka tusaale ugu noqday dhinacyada kala duwan ee nabadgelyada, dimoqraadiyadda iyo soo dhawaynta martida ayaa waxa soo gaadheyey boqollaal qaxooti ah oo naftooda kala soo cararay xoogagga maatada dushooda ku hirdamayey.

Haddaba, Somaliland iyadoo qiimaynaysa xidhiidhka diimeed, dhaqan iyo jaarnimo ayey oggolaansho magan-gelyo qaxootinimo siisay dalalka ay jaarka yihiin ee Yemen iyo Soomaaliya, isla markaana hoy ay hurdo caafimaad ku ladaan u fidisay shacabka dalalka Geeska Afrika ee dalalkooda dagaalladu ragaadiyeen.

Waxa xusid mudan in uu jiray go’aan hakin iyo hubin ahaa oo ay qaxootiga ka soo saareen hay’adaha nabadgelyada ee dawladda Somaliland, waxaannu ku salaysnaa werwerka laga qabay nabadgelyada qaranka iyo nolosha dadka qaxootiga ah oo is fahmi-waa soo kala dhexmaray hay’adihii qaabilsanaa qaxootiga, Alxmadulillah, haddana si habsami leh u socoto qaabilaadda iyo taakulaynta shacabka kala duwan ee ka soo jeeda dalalka aynnu jaarka nahay,” ayuu yidhi Md. Xirsi.

Geesta kale, Wasiirku waxa uu beeniyey qoraal ku soo baxay shabakadaha wararka Hadhwanaag News, waxaannu yidhi; "Waxaan cod dheer ku beeninayaa war ku soo baxay shabakadda wararka ee Hadhwanaagnews oo sheegaya in bog Twitter ah oo aan leeyahay waa sida hadalka loo dhigee ay ku daabacnayd "in xukuumaddu celin doonto qaxootiga ka soo bara-kacay dagaallada ka socda dalka Yemen.”

Waxaan leeyahay sidii aan horeyba u shaaciyey cinwaannada aan ugu talogalay in aan bulshada ku wada wada xidhiidhno waa kuwan hoos ku xusan:

Web:www.guusha.com

Page:https://www.facebook.com/ministerhersi

Twitter:https://twitter.com/ministerhersi

Wixii intaas ka baxsan waa kuwo aanan masuul ka ahayn, sidoo kale warbaahintana qaarkoodna waxaan kula talinayaa in ay cinwaannadaas rasmiga ah uun warka ka xigtaan, iskana hubiyaan wararka aan salka lahayn ee ay hubsiimo la’aan daabacayaan,” ayuu qoraalkiisa ku soo xidhay.



Contact@afkashacabka.com