Nuxurka Kelmadihii uu Golihiisa ka jeediyey Guddomiyaha Guurtidu iyo Jawaabta uu ka Bixiyey Codsigii Madaxweynaha

0
Monday June 01, 2015 - 14:39:48 in by salman abdi
  • Visits: 851
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Nuxurka Kelmadihii uu Golihiisa ka jeediyey Guddomiyaha Guurtidu iyo Jawaabta uu ka Bixiyey Codsigii Madaxweynaha

    Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland Md. Saleban Maxamuud Aadan ayaa ka hadlay kulan uu la yeeshay Madaxweyne Siilaanyo oo ay kaga wada hadleen arrinta heshiiska xukuumadda iyo xisbiyada ee ay golihiisa guurtidu qaadaceen..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland Md. Saleban Maxamuud Aadan ayaa ka hadlay kulan uu la yeeshay Madaxweyne Siilaanyo oo ay kaga wada hadleen arrinta heshiiska xukuumadda iyo xisbiyada ee ay golihiisa guurtidu qaadaceen..

Mudaneyaasha golaha guurtida Somaliland ayaa fadhi ay shalay xaruntooda ku yeesheen waxay ku sii adkeeyeen go’aankooda ay muddo xileedka ugu kordhiyeen Madaxweyne Siilaanyo, kuxigeenkiisa iyo wakiilada, iyagoo deedafeeyay heshiiska Asxaabta qaranka iyo Xukumadda.

Mudaneyaasha ayaa sheegay in go’aankoodu yahay mid sharci ah kana mid ah shuruucda qaranka, waxaanay diideen heshiiska saddexda xisbi qaran iyo xukumadda ee jidaynaya in mudada guurtidu kordhisay laga noqdo doorashadana la qabto badhtamaha December 2016-ka halka guurtidu u astaysay doorashada March 2017-ka.

Gudoomiyaha Guurtida Somaliland Saleban Maxamuud oo golaha la hadlay ayaa ka hadlay kulanka uu Madaxweynaha la yeeshay waxaanu ydihi "Madaxweynuhu habeen hore aniga iyo xoghayaha golaha guurtida wuu noo yeedhay, waxaanu Madaxweynuhu nagu yidhi "Asxaabtu waxay soo jeediyeen in doorashada la qabto December 2016-ka, aniguna Madaxweyne ahaan waxba kama qabo in wakhtigaasi la qabto doorashada, sidaas darteed waa inaad go’aankiinii waafajisaan wakhtigan lagu heshiiyay”…

Sidoo kale gudoomiyeyaasha saddexda Xisbi iyo Madaxeyne xigeenka waanu la kulanay waanan dhegaysanay, waxay noo sheegeen inay go’aan ku gaadheen in doorashada la qabto December 2016”.

Mudane Saleebaan Maxamuud Aadan oo mudaneyaasha la hadlayaa waxa uu sheegay in dalabkaasi kaga yimid Saddexda Xisbi qaran, Madaxweyne xigeenka iyo Madaxweynaha uu kaga jawaabay inaan go’aanka guurtidu ahayn mid laga noqonayo inay heshiiyaana ay haboonayd intii aan guurtidu samayn go’aanka muddo kordhinta.

"Maanta go’aankii guurtidu wuu dhacay, Shuruucda qarankaanu ka mid yahay. Waxaan saxaafadda ka maqlayay saxeexii madaxweynahaa u hadhay, waar uma hadhin oo Madaxweynuhu ma saxeexo go’aan gole guurti ee mashruuc sharci oo saddexda goleba soo maray ayuu saxeexaa. Kani waxa weeye go’aan guurti oo dastuurku siiyay. Arrintani waxay ahayd intii aanu goluhu go’aanka ka gaadhin muddo kordhinta, Saddexdiina Xisbiba waynu is aragnay oo waad is khilaafteen. Go’aanka guurtida waanu faafinay oo maanta shuruucda qaranka ayuu ka mid yahay. Maanta waxaan idiin sheegaya in iyaguna go’aankooda iska gaadheen inaguna jawaabta aynu siinay tahay Guurtida go’aankeedii baa sharci ah, halkaas bay inoo joogtaa” ayuu yidhi Gudoomiye Saleebaan

Mudane Saleebaan, waxa uu Mudaneyaasha guurtidu u sheegay in la isku dayi doono in la kala xado la iskuna dayo in laga dhaadhiciyo heshiiska Xukumadda iyo asxaabta balse aanay arrintaasi dheg u dhigin islamarkaana isku duubnaadaan "Waxaan Ogahay in la idin kala xadayo, in la idinku soo noqonayo ayaan ogahay, golaha waxaan jeclahay inaan xasuusiyo in goluhu mid yahay, goluhu wuxuu aaraa kala leeyahay oo nin walba u madax banaan yahay fikirkiisa inta doodi socoto Mar haddii go’aan la qaato kii ka aamusay,kii diiday iyo kii ogolaaday intuba way u hogaansamayaan, Sidaas baynu gole ku nahay, ayuu yidhi Gudoomiyaha guurtidu.

Waxa uu digniin u diray mudaneyaasha saxaafadda ka sheegay inay taageersan yihiin heshiiska Asxaabta, isagoo sheegay in talaabo sharci ah laga qaadi doono "Waxaan maqlayaa xildhibaano warbaahinta ka leh go’aanka guurtida waa lagu degdegay, wixii sharci u dhigay ayaa kuwaasna laga yeeli,”ayuu yidhi Gudoomiye Saleebaan.

Golaha ayaa sacab ku soo dhaweeyay hadalka iyo mawqifka Gudoomiye Saleebaan iska taagay heshiiska Asxaabta ee lagu afjaray murankii ka dhashay muddo kordhinta guurtidu samaysay.