"Madaxweynaha Maamulka Gobollada Dhexe Waxaa Soo dooran doona Xildhibaannada"Wasiirka Arimaha Gudaha Somalia

0
Monday June 01, 2015 - 15:00:18 in
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Madaxweynaha Maamulka Gobollada Dhexe Waxaa Soo dooran doona Xildhibaannada"Wasiirka Arimaha Gudaha Somalia

    Cadaado(Afka)Wasiirka Arrimaha Gudaha Somalia, C/raxmaan Maxamed Xuseen (Odawaa) ayaa kala qaaday ergooyinka u fadhiya Wajiga labaad ee shirka maamul u sameynta Gobollada Dhexe, iyadoo maalmaha soo socda la meel marin doono Dastuurka uu ku shaqeynaya

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Cadaado(Afka)Wasiirka Arrimaha Gudaha Somalia, C/raxmaan Maxamed Xuseen (Odawaa) ayaa kala qaaday ergooyinka u fadhiya Wajiga labaad ee shirka maamul u sameynta Gobollada Dhexe, iyadoo maalmaha soo socda la meel marin doono Dastuurka uu ku shaqeynayay Maamulka Mudug iyo Galgaduud.


Odawaa ayaa sheegay in Waajibaadka saaran ergooyinka shirka fadhiya ay tahay Ansixinta qabyo qoraalka ee Axdiga KMG ee Maamul u sameynta Gobollada Dhexe, isagoo xusay in oday-dhaqmeedka beelaha Mudugiyo Galgaduud looga fadhiyo soo xulista Xildhibaanada.

"Eergada shirka u fadhida waxay ansixin doonaan Dastuurka KMG-ka ah ee yeelan doono maamulka, balse madaxweynaha maamulka waxaa dooranaya xildhibaanada baarlamaanka maamulku yeelanayo. Odayaasha dhaqanka ayaana wixii maanta ka dambeeya soo xulay xildhibaanada,” ayuu yiri wasiir Odawaa oo ka hadlayay furida Wajiga Labaad ee shirka oo shalay la furay.

Sidoo kale, wasiirka arrimaha gudaha Somalia ayaa rajo ka muujiyay in Gobollada Dhexe uu yeesho Maamul ay dadka deegaanka raalli ka yihiin, isagoo bogaadiyay sida ay howsha shirku ku socoto.

Ra’iisul Wasaaraha Somalia oo dhankiisa shalay ka hadlayay Furitaanka Wajiga Labaad ee Shirka ayaa ka Dalbaday Ergooyinka in Shirka ay soo Gunaanadaan inta aanay Dhammaan bisha Ramadaan.

Ugu dambeyn, marka lasoo xulo xildhibaanada Baarlamaanka Maamulka Gobollada Dhexe waxay soo dooran doonaan gudoomiyaha baarlamaanka iyo ku-xigeenkiisa iyagoo markaas kaddibna dooran doona madaxweynaha sida uu wasiirku sheegay.

Si kasta oo ay tahay, xilka Hoggaanka Maamulka Gobollada Dhexe ayaa Waxaa u Taagan Murashaxiin Fara badan, kuwaasoo si aad ah ugu loolamaya inay Xilkaas ku Guuleystaan, waxaana qaarkood ay munaasabado ku qabanayaan qaybo ka mid ah Gobollada Somalia

C/casiis Dhame
Afkashacabka.com
Cadaado Somaliya /Office
Contact@afkashacabka.com