Xoghayaha Wasiirka Madaxtooyada oo Si Milgo leh loogu Soo Dhoweyey Waddanka Jarmalka iyo Jaaliyadda Somaliland oo Hadhimo sharafeed u samaysay+SAWIRO

0
Tuesday June 02, 2015 - 09:03:01 in by salman abdi
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xoghayaha Wasiirka Madaxtooyada oo Si Milgo leh loogu Soo Dhoweyey Waddanka Jarmalka iyo Jaaliyadda Somaliland oo Hadhimo sharafeed u samaysay+SAWIRO

    Jaaliyada Gobolada Galbeedka Somaliland ee ku dhaqan dalka Jarmalka oo si Milgo badan u Maamuusay Xoghayaha Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada Somaliland Mud Sharmake Axmed Muxumed Geelle oo maalmihuu u Dambeeyey ku sugnaa dalkaasi.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Jaaliyada Gobolada Galbeedka Somaliland ee ku dhaqan dalka Jarmalka oo si Milgo badan u Maamuusay Xoghayaha Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada Somaliland Mud Sharmake Axmed Muxumed Geelle oo maalmihuu u Dambeeyey ku sugnaa dalkaasi.

Waxaa maanta kulan saacado badan qaatay ka qabsoomay magaalada Frankfurt ee dalka Jarmalka, kulankaas oo ujeedadiisu ahayd soo dhawayn iyo sagootin loo samaynayey Xoghayaha Wasaradda Madaxtooyada Jamhuuriyada Somaliland Mud, Sharma’arke Axmed Muxumed oo maalmihii u dambeeyey ku sugnaa dalkaasi Jarmalka

Ugu horayn dhalinyarada ayaa masuulka u soo bandhigay xaalada dhalinyarada ku sugan qurbaha guud ahaan iyo gobolada galbeedka gaar ahaan iyagoo wax lagu farxo ku tilmaamay kaalinta Mud Sharmaake uugu jiro taban taabinta iyo dhiirigalinta dhalinyarada dalka sidoo kalena wax amaan mudan ku tilmaamay in uu sawir fiican ka bixiyey dhalinyarada Somaliland isla markaana tusaale u noqday dhalinyarada badaha naftooda ku soo haligaya si ay u soo gaaadhaan dalalka reer Galbeedka,

Xaflada oo ahayd mid isugu jirtay dardaaran iyo xog waraysi ayaa waxaa ugu dambayn goobta ka hadlay Mudana Sharma’arke Axmed Muxumed isagoo dhalinyarada uuga mahadceliyey abaabulka fiican ee ay ka galeen qabsoomida Munaasabada isagoona sidoo kale sheegay sida uu ugu faraxsan yahay in uu arko dhalinyaradii dalka u maqnayd oo haybadii diinta iyo astaantii qaranimadu ka muuqato kuna tilmaamay geesiyaal dalka iyo dadka u maqan

Mud Sharma’arke ayaa ku dheeraday muhiimada ay leedahay in la isku kaalmaysto waxa wanaagsan iyo samaha sidoo kalena rajo badan ka muujiyey in dalku maalin noqon doono mid aan qof dambe kasoo tahriibin isagoona sidoo kale qudbad qalbigooda ruxday goobta uuga jeediyey ayaa ku gaba gabeeyey in dharaar iman doonto ka duwan ta maanta guud ahaan dalka iyo caalamka islaamkaba ka muuqata,

Mud Sharma’arke ayaa sheegay in uu maalin dhaw dalkii ku noqonayo si uu dhalinyarada dalka joogta u tuso in aanay debeda wax loo ordo oolin isla markaana hadii taasi markale ka suurogasho Mud Sharma’arke uu noqon doono muftaaxa uugu wayn ee wax badan ka joojiya DHalinyarada safarka jar iska tuurka ah ee Tahriibka uugu soo jiraan dalalka reer Galbeedka

Isku soo wada duuboo kulanka ayaa ku dhamaaday jawi farxadeed iyo sagootin gobonimo.


33445566778811280473_1114316425264135_164039194_nIMG_9161IMG_9180pizap.com14330340103325