Dawlada Dalka Maraykanka Oo Shaaca Ka Qaaday Inay U Kordhisay Somalida Sharci La'aanta ku Jooga Dalka Maraykana

0
Tuesday June 02, 2015 - 11:45:36 in by Burco Office
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dawlada Dalka Maraykanka Oo Shaaca Ka Qaaday Inay U Kordhisay Somalida Sharci La'aanta ku Jooga Dalka Maraykana

    Washiton(AFka)Wasaaradda Amniga Qaranka ee Maraykanka ayaa ku dhawaaqday in dadka u dhashay Somalia ee sharci la'aanta amma sida ku meelgaarka ah u jooga

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Washiton(AFka)Wasaaradda Amniga Qaranka ee Maraykanka ayaa ku dhawaaqday in dadka u dhashay Somalia ee sharci la'aanta amma sida ku meelgaarka ah u jooga

Maraykanka loo ogolaanayo in sharci ku meel gaar ah loo kordhiyo muddo 18 bilood ah.

Arrinta ayaa saamayn ku yeelanaysa dadka Soomaalida ah ee aan haysn sharciga dalkan Maryaknka.

Xoghayaha aminga qaranka ee Marykanka Jeh Johnson ayaa warsaxaafadeed uu soo saaray waxaa uu ku shaaciyay in dawladda Maraykanku ay ogolaatay in muddo 18 bilood ah loo kordhiyo sharciga ku meel gaar ah ee loo TPS dadka haysta dhalashada Soomaaliga ee ku sugan gudaha Maraykanka.

Sharci-yaqaan Cabdinaasir Maxamed Cabdullaahi oo ka hawlgala gobolka Minnesota ugu warramay sharcigan iyo ahmiyadda uu leeyahay

Helista sharcigan ayaa u baahan in la soo buuxiyo codsiyo gaar ah oo loogu talagalay sida uu faahfaahinayo sharci-yaqaan Cabdinaasir Maxamed Cabdullaahi

Tallaabadan ayaa raja badan galinaysa dadka sida ku meel gaadhka ah u joogay Maraykanka Dawladda Maraykanka ayaa go’aankan ku salaysa xaalaadda ka taagan Somalia oo aan imika saamaxaynin in hay’adaha socdaalka ee Maraykanku ay dadka bila sharciga ah ku celaiyaan wadankoodi ay u dhasheeen.



Contact@Afkahsacabka.com