Madaxweynaha Dalka Sudan Al Bashiir AYaa Maanta Loo Dhaariye Xilkii

0
Tuesday June 02, 2015 - 19:50:39 in by Burco Office
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynaha Dalka Sudan Al Bashiir AYaa Maanta Loo Dhaariye Xilkii

    Madaxweynaha dalka Sudan, cumar Hassan Al-Bashiir,ayaa maanta loo dhaariyey shan sano oo kale xafiiska madaxwaynaha ee suudaan kadib markii lagu doortay doorashadii dhawaan ka dhacday dalkaas

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha dalka Sudan, cumar Hassan Al-Bashiir,ayaa maanta loo dhaariyey shan sano oo kale xafiiska madaxwaynaha ee suudaan kadib markii lagu doortay doorashadii dhawaan ka dhacday dalkaas

i
Caleemo saarka dhaarinta Madaxweynaha Sudan, oo loo soo agaasimay si heer sare ah ayaa waxa ka soo qeyb galay Madaxweynayaaasha dalal badan oo Afrikaan ah, iyo madaxda sare ee Midowga Afrika, balse, madaxda dalalka reer Galbeedka ayaan ka soo qeyb gelin munaasibada dhaarinta Madaxweynaha Sudan.
Madaxweyne Omar Al-Bashiir, ayaa cod dheer ku sheegay in uu daacad u noqonayo hogaaminta dadka iyo dalka Sudan, isla markaana uu ka shaqaynayo midaynta dadka Sudan, waxa kale oo uu ka dhawaajiyay in uu doonayo in sidii uu caadi uga dhigi lahaa xidhiidhka sii xumaaya ee Sudan ay la leedahay dalalka reer Galbeedka.
Madaxweynaha Sudan, ayay hore Maxkamada danbiyada dagaalka ee ICC, hore u dalbatay in loo soo gacan geliyo si loogu qaado dacwad eedayn ah oo ku saabsan in uu Gobalka Daarfuur, ka geystay dil wadareedyo, kufsi, iyo tacadiyo ka dhan ah xuquuqda aadamaha.
Doorashadii dhawaan ka qabsoontay dalka Sudan, ee mar kale lagu soo dorrtay Madaxweyne Al-Bashiir, ayay asxaabta mucaaridka dalkaasi qaadaceen, iyaga oo sheegay in aanay ahayn mid xor iyo xalaal ah, oo ay tahay mid si weyn loogu shubtay.




Contact@afkashacabka.com