Muj. Cali Gurey oo Guurtida ku sheegay Ma Qawlaysatayaal Wada Ku Qabso ku Qadi mayside

0
Wednesday June 03, 2015 - 15:29:38 in by salman abdi
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Muj. Cali Gurey oo Guurtida ku sheegay Ma Qawlaysatayaal Wada Ku Qabso ku Qadi mayside

    Xisbiga mucaaridka ah ee UCID, ayaa sheegay in aan Golaha Guurtidu meesha ka saari karin heshiiska saddexda xisbi qaran ka gaadheen khilaafkii ka dhashay muddo-kordhinta, madaxweynaha Somaliland iyo beesha caalamku taageereen.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xisbiga mucaaridka ah ee UCID, ayaa sheegay in aan Golaha Guurtidu meesha ka saari karin heshiiska saddexda xisbi qaran ka gaadheen khilaafkii ka dhashay muddo-kordhinta, madaxweynaha Somaliland iyo beesha caalamku taageereen.

Guddoomiye-ku-xigeenka 3aad ee UCID Muj. Cali Maxamed Yuusuf (Cali-guray) oo saxaafadda la hadlay maanta, ayaa ku tilmaamay go’aanka Golaha Guurtidu qaatay mid ay ku doonayaan inay ku qabsadaan siyaasadda saddexda xisbi qaran.

"Haddii aannu nahay xisbiga UCID aad ayaannu ugu dedaalnay in khilaafka jiray xal laga gaadho, waxaanan madaxweynaha Somaliland ku qancinnay in UCID isugu yeedho, lagana wadahadlo khiklaafka ka dhashay muddo-kordhinta iyo dib-u-dhaca doorashooyinka, markaa waxa madaweynuhu ku baaqay gogoshii wadahadalka, waxana dhexdhexaadinta waday madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland.

Sidii dhaqanka inoo ahaan jirtay markaynnu wadahadalno xal ayeynnu gaadhnaa, xalkiina waynu gaadhnay hadda, iyadoo aan qabo in tanaasulkii ugu badnaa ay bixiyeen xisbiyada mucaaridka ee WADDANI iyo UCID,” ayuu yidhi.

Waxa uu intaa sii daba dhigay, "Markii xisbiyada mucaaridka ah oggolaadeen doorashadii qabsoomi lahayd 26 June oo ah bishan aynnu hadda ku jirno, waxaanan oggolaannay in doorashooyinka loo riixo sannadka dambe ee 2016-ka, weliba bisha ugu dambaysa ee December, waxaanan qabnaa in waqtigaas meel kaloo dib looga sii riixaa aanay jirin, iyagoo saddexda xisbi (KULMIYE, WADDANI iyo UCID) wada saxeexay, madaxweynaha Somaliland-na oggolaaday, beesha caalamkuna ku qanacday, markaa waxaannu sugaynaa in Komishanka Doorashooyinku cayimaan waqtiga doorashooyinka inta ka horreysa 26 June 2015, madaxweynuhuna ku soo saaro digreeto.”

Guddoomiye Cali-guray, ayaa sidoo kale sheegay in xisbiyada mucaaridku u aqoonsan doonaan in KULMIYE ka baxay heshiiska la kala saxeeday ee in doorashooyinku qabsoomaan bisha December 2016, haddii aannu madaxweynuhu si degdeg ah ugu soo saarin digreeto.

"Guurtidu ka mid ma aha dadka doorashada wax ku leh, waxayna doorashooyinku u dhexeeyaan, kuna tartamaya saddexda xisbi qaran, iyagoo Komishankuna gacanta ku haya hawlaha doorashooyinka, markaa Golaha Guurtida iyo Guddoomiye Saleebaan doorashooyinka ay qabanayaan sannadka 2017 waa mid iyaga u taal, cidda ay u qabanayaan ee tartanka kula jiraana waa mid iyaga u taal, go’aanka Saleebaan-gaal-na waa wax gaar ah, halka heshiiska xisbiyaduna yahay mid gaar ah, waana wax kala duwan.”

"Ku qabso ku qadi mayside! Awal hore dhulka ayey ahayd oo la isku qabsan jiray, laakiin maanta siyaasaddii ayey soo gashay ku qabso ku qadi mayside. Markaa mashruuca Golaha Guurtida iyo Saleebaan kama badna ku qabso ku qadi mayside, balse isma hortaagi karaan heshiiska xisbiyada iyo madaxweynuhu isla oggol yihiin, beesha caalamkuna taageertay,” ayuu yidhi Cali Maxamed Yuusuf (Cali-guray).