Daawo:Golaha Barlamaanka Oo Maanta Cod Aqlabiyad ah ku Ansixiyey Guddoomiyaha Cusub Ee Maxakamadda Sare.

0
Wednesday June 03, 2015 - 15:33:58 in by salman abdi
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Daawo:Golaha Barlamaanka Oo Maanta Cod Aqlabiyad ah ku Ansixiyey Guddoomiyaha Cusub Ee Maxakamadda Sare.

    Labada gole Baarlamaan Guurtida iyo Wakiillada Somaliland oo wada jir u yeeshay fadhi aan caadi ahayn ...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Labada gole Baarlamaan Guurtida iyo Wakiillada Somaliland oo wada jir u yeeshay fadhi aan caadi ahayn ...

ayaa ansixiyay Gudoomiyaha dhawaan Madaxweyne Siilaanyo u magacaabay Maxakamadda sare mudane Aadan Xaaji Cali.
Fadhiga Saaka oo ku qabsoomay Xarunta golaha guurtida islamarkaana uu shir guddoominayay guddoomiye Saleebaan ayaa guddoomiyaha Maxakamadda sare lagu ansixiyay cod aqlabiyada oo mudaneyaasha fadhiyay badankoodu u codeeyeen.

Fadhiga oo ay ku sugnaayeen 122 mudane ayaa cod loo qaaday guddoomiyaha maxakamadda sare waxaana Ogolaaday 110 Mudane, waxaana ka aamusay 11 Mudane halka cid diiday aanay jirin Gudoomiyuhuna aanu codayn, sidaasna uu ku ansaxa guddoomiyaha Maxakamadda sare ee Somaliland.