Wasiirka Diinta Iyo Awqaafta Somaliland Oo Ka Warramay Khayraadka Ku Dhex Jira Bisha Shacbaan.

0
Wednesday June 03, 2015 - 15:36:23 in by salman abdi
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirka Diinta Iyo Awqaafta Somaliland Oo Ka Warramay Khayraadka Ku Dhex Jira Bisha Shacbaan.

    Wasiirka Diinta iyo Aw-qaafta Somaliland Sheekh Khaliil Cabdillaahi Axmed, ayaa ka hadlay faa'iidooyinka khayrka ah ee ku jira bisha barakaysan ee Shacbaan oo badhtanka lagaga jiro sannadka higjiriyeedka 1436-ka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka Diinta iyo Aw-qaafta Somaliland Sheekh Khaliil Cabdillaahi Axmed, ayaa ka hadlay faa'iidooyinka khayrka ah ee ku jira bisha barakaysan ee Shacbaan oo badhtanka lagaga jiro sannadka higjiriyeedka 1436-ka.

Sheekh Khaliil Cabdillaahi Axmed oo khudbad muxaadaro diini ah ka jeediyey masaajid ku yaal magaalada Arabsiyo ee Gobolka Gabiley, waxa uu sharraxaad dheer ka bixiyey khayraadka fara badan ee ku jira bisha Shacbaan, isagoo farriimo ku saabsan muhiimada ka faa’iidaysigeeda u diray shacabka Somaliland iyo guud ahaan ummaddaha Muslimka ah.

 

 

"Bisha Shacbaan waxay ka mid ah tahay afar bilood oo xurmo badan oo ajarkooduna badan yahay wixii acmaal wanaagsan ee la qabto iyo dambigeeduna badan yahay qofkii xuma la yimaada oo ah in ajarkana la libinlaabayo, dambigana la libinlaabayo, markaa waa bil loo baahan yahay in la dhawro oo Ilaahay uu siiyey xurmo in la ilaaliyo ay tahay oo ah in aan dadka la dulmiyin, dhibaato iyo wax kale la isugu gaysan, isla markaana cibaadada iyo acmaasha la badiyo.”

"Sidaa darteed, ayey bishii Shacbaan dhexgashay bilaha Rajab iyo Ramadaan oo qiimo wayn leh. Bisha Shacbaan naxariista ku jirta hadday tahay Soon, Qur’aan akhris iyo hadday acmaasha kale oo la badiyo tahayba waxa ku jira ajar fara badan, si loogu sii diyaar garoobo bisha Ramadaan ee khayrka badan leh. Markaa waxa la innaga doonayaa in aynu wanaagga is-farno, xumaan oo dhanna aynu ka fogaanno, Ilaahayna aynu xaggiina u jeedsanno,” ayuu yidhi Sheekh Khaliil Cabdillaahi Axmed.

Dhinaca kale, Wasiirka Diinta iyo Aw-qaafta Somaliland waxa khudbaddiisa kadib uu halkaasi hadyad kutub Qur’aanka Kariimka ah ugu deeqay da’yarta wax ka barta magaalada Arabsiyo.