Madaxwaynaha Nigeria Ayaa Boqashadii Ugu Horeesay Ku Tagay

0
Wednesday June 03, 2015 - 17:30:53 in by Burco Office
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxwaynaha Nigeria Ayaa Boqashadii Ugu Horeesay Ku Tagay

    Madaxwaynaha Nigeria Muhammadu Buhari ayaa booqashadiisii ugu horaysay ee dalka dibadiisa ah ku tagaya dalka Niger tan iyo intii uu xilka la wareegay todobaadkii hore.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxwaynaha Nigeria Muhammadu Buhari ayaa booqashadiisii ugu horaysay ee dalka dibadiisa ah ku tagaya dalka Niger tan iyo intii uu xilka la wareegay todobaadkii hore.



Waxaa la filayaa in ay kawada hadlaan dadaalka uu gobolku kula jiro Boko Xaraam ee ay ka qaybqadanayaan dalalka Nigeria dariska kala ah dhanka waqooyiga.

Niger, Chad iyo Cameroon ayaa Nigeria ka caawinayay in ay dib u qabsadaan dhulka ay haystaan malayshiyada Boko Xaraam, kuwaas oo uu madaxwaynuhu ku tilmaamay kuwo aan Alle rumaysnayn oo aan garasho lahayn.Markii la caleemo saarayay Buhari waxa uu wacad ku maray in uu wax ka qaban doono malayshiyada oo lix sano jirsatay.
Waxa uu markii u horaysay la kulmay madaxdiisa laamaha ammaanka tan iyo markii la dhaariyay talaadadii.
Madaxwaynuhu waxa uu sheegay in taliska ciidanka loo wareejin doono magaalada waqooyi bari ku taala ee Maiduguri, isla markaasna uu halkaas sii ahaan doono ilaa iyo inta laga soo afjarayo Malayshiyada.



Burco/Offic
Contact@afkashacabka.com