War Deg Deg Ah:Jaamacadda Jomo Kenyatta Oo Joojisay Xidhiidhkii Ay La Lahayd jaamacadda Gollis+Master-tii Jaamacadda Gollis Oo Noqotay Local Iyo Ardayduna Ka Niyad Jabtay.

0
Wednesday June 03, 2015 - 17:36:51 in by Burco Office
  • Visits: 792
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    War Deg Deg Ah:Jaamacadda Jomo Kenyatta Oo Joojisay Xidhiidhkii Ay La Lahayd jaamacadda Gollis+Master-tii Jaamacadda Gollis Oo Noqotay Local Iyo Ardayduna Ka Niyad Jabtay.

    Burco(Afka)Jaamacadda Jomo Kenyatta ayaa joojisay xidhiidhkii ay la lahayd jaamacadda Gollis ee magaalada Hargeysa,iyada oo sidoo kalena la joojiyey waxbarashadii heerka labaad ee ay jaamacaddaasi ka waday jaamacadda Gollis faraceeda magaalada Hargey

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Burco(Afka)Jaamacadda Jomo Kenyatta ayaa joojisay xidhiidhkii ay la lahayd jaamacadda Gollis ee magaalada Hargeysa,iyada oo sidoo kalena la joojiyey waxbarashadii heerka labaad ee ay jaamacaddaasi ka waday jaamacadda Gollis faraceeda magaalada Hargeysa.

 

Ardayda jaamacaddaasi ka dhigata waxbarashada Master-ta ayaa lagu wargeliyey inay qaadan doonaan shahaado Local ah ama dalka gudihiisa ah,taas oo aan ahayn tii markii hore la sheegay inay qaadan doonaan.

Wargelintan ayaa waxa ardayda siiyey guddoomiyaha jaamacaddaha Gollis Dr Siciid Axmed Xasan oo sheegay in ardaydu qaadan doonto shahaado lagu bixinaayo magaca jaamacadda Gollis oo aanay ku jirin jaamacaddii hore xidhiidhka ula lahayd ee Jomo Kenyatta University.

Dhawaaqan kasoo yeedhay Guddoomiye Siciid Axmed Xasan ayaa niyad jab ku riday ardayda dhiganaysay jaamacaddaasi qaybteeda Master-ta,iyada oo ay kuwo badan buugaagtooda loo diri jiray magaalada Mombassa ee dalkaasi Kenya oo ay fadhiyaan Supervisors ka eegayaa.

Wasaaradda waxbarashada ayaan eegin inta badan tayada jaamacaddaha dalka la keenaayo iyo kuwa hore usii jirayba,iyada oo jaamacadda Gollis hore u sheegtay inay xidhiidho la lee dahay jaamacaddo ku yaala dunnida,gaar ahaana dalalka Yurub,kuwaas oo uu guddomiye Siciid ardayda u sheego in loo diraayo ,ilaa haddana ma jiro cid loo diray.

Master-ta xidhantay ee Jomo Kenyatta ayaa ah mid tusaale fiican u noqon karta jaamacaddaha ajaanibka ah ee aan lugaha adag ku taagnayn dadkuna aanay awoodin dhaqaale ahana ee dalka imanaay niyad jabkana ku ridaaya da’yarta Somaliland.

Burco/Office
Contact@afkashacabka.com