Jamaal Cali Xuseen Oo Ku Eedeeyay Jawaan Iyo Sooraan In Aanay Xukuumadda Silaanyo Waxba Ka Sheegin.

0 in by salman abdi
  • Visits: 947
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Jamaal Cali Xuseen Oo Ku Eedeeyay Jawaan Iyo Sooraan In Aanay Xukuumadda Silaanyo Waxba Ka Sheegin.

    Musharaxa Jagada Madaxweynaha Xisbiga UCID, Jamaal Cali Xuseen ayaa ku eedeeyay Labada Abwaan ee sida weyn caanka ugu ah kaga qoslinta dadka, Sooraan iyo Jawaan inay afka ka xidhaan oo aanay Riwaayadahooda mar kaliya ku soo qaadan wax ka sheega Xukuu

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Musharaxa Jagada Madaxweynaha Xisbiga UCID, Jamaal Cali Xuseen ayaa ku eedeeyay Labada Abwaan ee sida weyn caanka ugu ah kaga qoslinta dadka, Sooraan iyo Jawaan inay afka ka xidhaan oo aanay Riwaayadahooda mar kaliya ku soo qaadan wax ka sheega Xukuumadda Madaxweyne Axmed Silaanyo,

 isagoo sidoo kalena ku eedeeyay inay Wax ka sheegeen Saxaafadda iyo Xisbiyada Mucaaridka ah. Jamaal Cali Xuseen wuxuu sidaa ku sheegay qoraal kooban oo uu ku baahiyay bogga uu ku leeyahay Shabakadda bulshada ee Facebook, qoraalkaas ayaa u dhignaa sidan.


"Sooraan iyo Jawaan oo aan itiraam weyn u hayo; waan arkay iyagoo duraya xisbiyadda Qaranka xaqna way u leeyahiin, waan arkayna iyagoo duraya Saxaafadda imikadan xaqna way u leeyahiin, laakiin weli maan arag iyagoo duraya Xukuumadda iyo golayaasha qaranka ee xilka ummadda u haya. Imika muddo kordhin iyo Guurti baa laga cabanaayey, kamana ay hogga tusaaleyn. Ha ogaadaan in qiimahooda jilaanimo ay hoos u dhacayso haddii ay indhaha ka saabaan ama ka laliyaan danta qaranka iyo xaqiiqda jirta. Kolay iyagu safaafaddan ay dacaayadeeynayaan waxay is leeyahiin difaaca xukuumaddee; tollow miyeey ilaaween saxaafadda ay xukuumaddu maamusho ee beenta qaawan habeen iyo maalin ka sheega mucaaridka?”. Sidaa waxaa yidhi Musharax Jamaal Cali Xuseen.




Contact@afkashacabka.com