Doorashada Dalka Burundi Oo Mar Kale Dib Loo Dhigay iyo Rabshadahi Oo Si Badanayaa

0
Thursday June 04, 2015 - 09:27:25 in by salman abdi
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Doorashada Dalka Burundi Oo Mar Kale Dib Loo Dhigay iyo Rabshadahi Oo Si Badanayaa

    Maamulka dalka Burundi waxa ay sheegayaan in doorashada madaxtinimada iyo barlamaanka dib loo dhigayo kaddib rabshadaha siyaasadda ee dalkaasi oo weli sii socda.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maamulka dalka Burundi waxa ay sheegayaan in doorashada madaxtinimada iyo barlamaanka dib loo dhigayo kaddib rabshadaha siyaasadda ee dalkaasi oo weli sii socda.


Afhayeen u hadlay madaxweynaha dalka Burundi ayaa sheegaya, in doorashooyiinka baarlamaanka iyo madaxweynaha dalkaasi dib loo dhigi doono.

 

Willy Nyamitwe ayaa BBC-da waxa uu u sheegay in xilliga la qabanayo doorashada ay ku dhawaaqi doonaan guddiga doorashada ee dalkaasi.

Waxay u muuqataa in madaxweyne Pierre Nkurunziza ayaa u muuqdo in ugu dambeyn uu aqbalay cadaadiska dibadda uga imaanayo ee ah inuu dib u dhigo doorashada dooda ka taagan tahay ee dalkaasi.

Cadaadiska ugu bandanna waxa uu uga imaanayaa dalalka gobolka, oo doonaya in xal loo helo muranka iyo dhibaatada dalkaasi ka taagan.

Qofkastaa oo madaxweynaha uu ka mid yahay, waxa ay u muuqataa inuu hadda ogaaday in aysan suuragal ahayn in doorasho xor iyo xaq ah ay dalkaasi ka dhacdo iyadoo rabshado ay ka socdaan Burundi.

Axaddii, madaxda dalalka bariga Afrika waxa ay dalbadeen in doorashada Burundi dib loo dhigo illaa lix isbuuc.

Laakiin waxay u badan tahay in dibad baxyada aysan sii socondoonaan.

Mucaaradka waxa ay dareemayaan in hogaamiyayaasha gobolka aysan tallaabo wanaagsan qaadin, waxayna ku adkeysanaayaan in Madaxweyne Nkurunziza uu si sharafleh uga tago siyaasadda.

Source: BBC




Contact@afkashacabka.com