Guddomiyaha Baanka Somaliland oo Guddiga Joogtada ah ee Golaha Wakiilada kulan la qaatay iyo Nuxurka Su'aalihii Guddigu weydiiyen Guddomiyaha

0
Wednesday April 09, 2014 - 16:39:23 in by Super Admin
  • Visits: 818
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Guddomiyaha Baanka Somaliland oo Guddiga Joogtada ah ee Golaha Wakiilada kulan la qaatay iyo Nuxurka Su'aalihii Guddigu weydiiyen Guddomiyaha

    Kulankan oo aan warbaahinta loo ogolayn, ayaa markii uu dhamaaday waxa War-fidiyeenada Hadal kooban siiyay Guddoomiye Ku Xigeenka Gudida Joogtada ah ee Golaha Wakiilada Md. Axmed Ducaale Bulaale.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kulankan oo aan warbaahinta loo ogolayn, ayaa markii uu dhamaaday waxa War-fidiyeenada Hadal kooban siiyay Guddoomiye Ku Xigeenka Gudida Joogtada ah ee Golaha Wakiilada Md. Axmed Ducaale Bulaale.

Guddida Joogta ah ee Golaha Wakiilada Somaliland ayaa maanta su’aalo waydiiyay Guddoomiyaha Baanka Somaliland.

Kulankan oo aan warbaahinta loo ogolayn, ayaa markii uu dhamaaday waxa War-fidiyeenada Hadal kooban siiyay Guddoomiye Ku Xigeenka Gudida Joogtada ah ee Golaha Wakiilada Md. Axmed Ducaale Bulaale.

Waxa uu sheegay inuu ka warbixiyey guddoomiyaha baanka dhexe sarafika lacagaha qalaad oo cirka isku shareeyey iyo sida ay uga hortagaan.

Guddoomiye ku xigeenka guddida joogta ah ee golaha wakiilada somaliland oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu yidhi”

"Horta guddida joogta ah ee golaha wakiilada waxa ay inta badan ka shaqeeyaan inta uu golahu fasax yahay waxaana ay u yeedhaan guddida joogta ah
ee golaha wakiiladu u yedhaan masuuliyiinta dawlada ka tirsan maanta waxa ay u yedheen guddoomiyaha baanka dhaxe ee somaliland,waxaana aanu la yeelanay waraysi badan oo aanu wax kagaga waydiinayno xaalada guud ee baanka iyo sarafika lacagaha ee cirka isku shareeray

 

Guddoomiye ku xigeenka guddida joogta ah ee golaha wakiilada somaliland oo hadal kiisa sii wata ayaa waxa uu intaasi raaciyey”waxaana uu guddoomiyuhu nooga waramay sida uu baanka dhexe u shaqeeyo iyo sida uu u kaan taroolo marka uu sarifka kacow hortu marka la is waraysto ee lawada hadlo waxa kasoo baxa talooyin,isaguna waxa uu ka waramaa sida ay waxa yihiin iyo halka uu xaalku marayo,hadaanad ogaan sida ay waxa yihiin iyo halka uu marayo talana ma bixin kartid su’aalana ma waydiin karo iyaguna waxa ay shegeen hadii khaladaad jiro iyo hadii waxa lasoo gud bonadeen sidii ay u sixi lahayeen ayey xog waram buuxa naga siiyaan.

Sidoo kale waxa uu guddoomiyuhu sheegay in masuuliyiinta qaranka xilalka u haya ee ay u yedhaan talooyin badan ka siiyaan sidii uu shaqadiisa u gudan lahaa waxaana uu yidhi”

"golaha wakiiladu talooyin ayey bixiyaan waxaana kale oo jira mashruuc ayaa golaha wakiilada ka baxday waxaana ugu wayn ee aanu waydiinaa waxa weeyaan sida ugu wanaagsan ee ay u dabaqeen hawshii ay haay’adda kastaba qaranka u hayso sida ay ugu soo baxday madaama oo aanu nahay baarlamaankii qaranka ku ilaali nayey shuruucda dalka u taala hadii ka horyimaado waxaanu tusnaa halka uu ka khaldan yahay waxaanu ku toosinaa dhabah wanaagsan ee shuruucda dalka u taala.

Dhinac kale guddoomiyaha baanka dhexe ee somaliland Cabdi Dirir Cabdi ayaa isna ka gaabsaday inuu warbaahinta oo wax aka waydiisay u jeeda loogu yeedhay kana cudur daartay inuu wax faah-faahin ka bixiyo.





Afkashacabka.com

Hargeysa /Office

Contact@afkashacabka.com