Madaxweynaha Iyo Raysal Wasaare Somalia oo Maanta wafdi Mareykan ah kula kulmay Muqdisho +AWIRRO

0
Thursday June 04, 2015 - 16:41:58 in by Burco Office
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynaha Iyo Raysal Wasaare Somalia oo Maanta wafdi Mareykan ah kula kulmay Muqdisho +AWIRRO

    Muqdisho(Afka)Madaxweynaha Somalia, Xasan Sh. Maxamuud ayaa maanta Muqdisho kula kulmay danjire Tina Kaidanow oo ah xiriiriyaha Hawl-gallada La-dagaallanka Argagixisada ee Wasaarada Arrimaha Dibedda Mareykanka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Muqdisho(Afka)Madaxweynaha Somalia, Xasan Sh. Maxamuud ayaa maanta Muqdisho kula kulmay danjire Tina Kaidanow oo ah xiriiriyaha Hawl-gallada La-dagaallanka Argagixisada ee Wasaarada Arrimaha Dibedda Mareykanka.


Xasan Sheekh oo kulanka ay ku wehliyeen RW Sharma’arke, Wasiirka Arrimaha Dibadda, C/salaam Cumar Hadliye iyo xubno kale ayaa uga Warramay Danjire Kaidanow Xaaladaha siyaasadda, nabadgelyada iyo koboca dhaqaalaha Soomaaliya.

"Aad baan ugu Faraxsanahay Taageerada uu Mareykanka u Fidinayo Soomaaliya, waxaana Dhiirri-gelinayaa in halkaa laga sii wado si mar kale ay Somalia Cagaheeda ugu Isu-taagto. Horumar badan ayaan ka sameyney dhinacyada Siyaasadda iyo Nabad-gelyada, waxaana doonaynaa in Mareykanka iyo waddamada kale ee Somalia Taageera ay yeeshaan iskaashi dhow oo fududeyn kara taageerada ay Soomaaliya siiyaan,’’ ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Sidoo kale, madaxweynaha ayaa sheegay in Somalia ay si weyn baahi ugu qabto in laga taageero dhinaca dib u dhiska kaabeyaasha dhaqaalaha iyo hirgelinta xarrumo lagu barto mihnadaha kala duwan, si taasi gacan uga geysato dib u soo kabashada dhaqaalaha, shaqo abuurista iyo sugidda amniga.

Ra’iisul Wasaaraha Somalia, Cumar Cabdirashiid oo isaguna kulankaas ka hadlay ayaa ka warbixiyey halka ay marayaan hawlaha dhismaha maamulada iyo barnaamijka isku-dhafka ciidamada oo uu sheegay in horumar badan laga sameynayo.

Dhanka kale, Danjire Tina Kaidanow ayaa dhankeeda sheegtay in Mareykanka uu si weyn ugu qanacsan yahay horumarka Dowladda Soomaaliya sameyneyso, iyadoo xustay inay sii wadi doonaan taageerada lagu xaqiijinayo in horumarkaan horay loo sii wado.

Ugu dambeyn, labada dhinaca ayaa ka hadlay baahida loo qabo iskaashi dhow oo ku aadan la dagaalanaka Argagixisada oo ay yeeshaan Somalia iyo Beesha Caalamka, iyagoo walaac ka muujiyey xasaradda ka aloosan Yemen oo keeni karta in nabadgelyada gobolka iyo tan caalamka khalkhal uu ku yimaado



.Contact@afkashacabka.com