Jaamacada Beder Ayaa In Kabadan Lexdan Macalin U Furtay Tababar Socon Doona Lix Bilood

0
Thursday June 04, 2015 - 17:47:40 in by Burco Office
  • Visits: 1234
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Jaamacada Beder Ayaa In Kabadan Lexdan Macalin U Furtay Tababar Socon Doona Lix Bilood

    Hargaysa(AFKA)Jaamacadda Caalamiga Ah ee Beder ayaa Tababar Socon Doono Muddo Ku siman Lix Bilood u Qabtay 70 ka Mid Ah macalimiinta waxa ka dhiga Dugsiyada Hoose Dhexe kuwaas oo isgu jira Rag iyo Haween.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargaysa(AFKA)Jaamacadda Caalamiga Ah ee Beder ayaa Tababar Socon Doono Muddo Ku siman Lix Bilood u Qabtay 70 ka Mid Ah macalimiinta waxa ka dhiga Dugsiyada Hoose Dhexe kuwaas oo isgu jira Rag iyo Haween.


Munaasibada lagu shaacinayay Macalimiinta oo ka dhacday Xarunta Jaamacadda Ee Hargaysa ayaa waxa ka soo qayb galay wasiir ku xigeenka waxbarashada,Guddoomiyaha Jaamacadda,Guddomiyaha ICT iyo Marti sharaf kale oo badan.

Guddoomiyaha Jaamacadda Beder Mubaarig Ibraahin Aar ayaa ka warbixiyay Macalimiinta Ay siinayaan Tababarkan."Macalimiintu waxa ay soo saarayaan jiilkii umadan iyo dalkan waxa u qaban lahaa,waxaana loobaahan yahay runtii Macalinimada takhasus u leh oo bartay si loo helo arday

dadkan anfaca,sidaas daraadeed runtii hada waxaanu bilaabaynaa oo mashruucani yahay macalinimo tababar ku saabsan oo socon Doona lix bilood.

 

intaas waxa uu ku daray Guddoomiyaha Jaamacaddu isaga oo hadalkiisa siiwata.”Tababarka lixdaas bilood waxa lagu dhigan Doonaa oo macalimiintu baran Doonaa Sideed Cashar oo waafaqsan istaandharka caalamiga ah ee macalinimada,madaama oo macalimiintu ay shaqo hayaan waxaanu ugu talo galnay in ay dhigtaan laba cisho oo kaliya,runtii arinka Xul ayaanu ku soo saarnay macalimiin badanina way soo dalbadeen lakiin waxaanu soo xulnay in 70 macalin oo Xul Ah.

Sheekh Cabdi Qafuur Aadan Cumar oo ka tirsan Jimciyada Quraanka Kariimka Ah oo Mashruucani soo qaban qaabisay ayaa isna yidhi.

"Macalimiinta Halkan Joogaa waxa ay ku yimadeen Xul Adag,Rag bada ayaa lareebay,Markaas Hanoqonina ilmihii Aabihii waslada Dahabka Ah u dhiibay ee uu wasakhda ku riday isaga oon Fahmayn Qiimaha ay leedahay,Markaas Macalinka ka faa’idaysan waaya Fursadan Qaaliga ah Booskiina Macalin kale ayaa lagalin Doonaa,shahaado wanaagsana Meesha waad ka qaadan Doontaan,hadii aydun tihiin dad rabitaan leh waalaydiin siiwadi Doona aqoonta,inaad wakhtiga ilaalisaana waa waajib dardaaran kaas macalimiintu in ay u hogaan samaan ayaan u soo jeedin lahaa.

Sheekh Cabdi Qafuur Aadan Cumar oo hadalkiisa siiwata ayaa intaas waxa uu ku daray."Nin dadaala oo tabca ayuunbaa midho keena,nin lakiin iska raaxaystay oo iska Nafisa isaguna meel gaadhimaayo,somaaliduna mid caado ayay uleedahay oo wakhtiga ayay lumiyaan fursadan wanaagsan ee aynu jaamacadda ka helnayna in aydaan iska dayicin ayaan idin fari lahaa,Runtiina macalimiinta Jaamacadda Casharada ka bixiyana waa macalimiin lagu kalsoon yahay,jaamacadda Bederna waa jaamacadda ugu wanaagsan ayaan odhan karaa jaamacaddaha dalka.

Guddoomiyaha Komiishanka ICT Somaliland Eg Cali ayaa ka waramay Faa’idada ku duugan in Macalimiinta Lasiiyo Korsooyin am Tareerino Aqoontooda kor loogu soo qaadayo isaga oo tibaaxay inuu Macalinkasta oo qaata tareerino badanu uu ka xirfad iyo aqoon badan yahay kaan qaadan waxaana uu yidhi.

"Barnaamijka wax dhigada am Macalinimadu waa aas-aaska nolosha waana Aas-Aaska Diinteena,Jaamacdda bederna runtii aad ayaanu ugu mahad naqaynaa talaabadan ay qaaday,tababarku runtii waxa uu dhisaa macalinka waxaana waajib ah inaad markasta ka qayb qaadataan tababarada noocan oo kalaa ah,aqoontuna madhaamto tababarkuna inaad wax ka faa’ido mooyaane Khasaare maleh,aqoontana dugsiga hoose ayaa laga soo bilabaa waxaanu waajib ah in ay dhigaan dumar maxaa yeelay iyaga ayaa kobcin kara ciyaalka yaryar Aqoontana Bari Kara.

intaas waxa uu ku daray isaga oo hadalkiisa siiwata waxaana uu yidhi.”waxa loo baahan yahay inaad soo saartaan idinka oo macalimiin ah ardayday diinta islaamka ku wanaagsan cilmiga maadiga ahna sifiican ugu wacan,tacaliintu runtii waa dadaal waxaanan idin fari lahaa inaad joogtaysaan casharkan iyo aqoonta aad halkan ka qaadan doontaan,Lixdaas biloodna halaga Faa’idaysto ayaan idin odhan lahaa wixii danbe ee jaamacaddu furaysana Kaalinta Koobaad Noqda.

Wasiir ku xigeenka Wasaarada waxbarashada iyo Tacaliinta Sare ee Somaliland Cabdirashiid Ismaaciil Kaahi ayaa ku dheeraaday muhiimada ay leedahay in Macalimiinta Markasta Lasiiyo Tareerino Ay aqoontooda ku kordhinayaan,jaamacadda bederna waxa uu ku amaanay inaanay lahayd Nin jeclaysi ee Qofkasta shahaada uu sito iyo Aqoonta uu leeyahay Lagu qaado waxaana uu yidhi.

"Hawsha aad halkan u joogtaan waa hawlaha wasaarada waxbarashadu ay u igman tahay in ay qabto tayada ardayduna waxa ay ku xidhan tahay Tayada Macalinka,haduuna macalinku tayo lahay uuna habkii wax loo dhigayay aanu garanayn isaga oo hada Cilmigiina Xanbaarsan Aqoontiina leh waa mushaakil,markaas hawshan ay soo abaabushay jaamacadda beder waanu u mahad naqaynaa,waliba qaybta jaamacaadka diinta oo dhana iyaga helin Tababaro haday maanta siisay waa farxad gaar ah ayay anaga nootahay,markaas jaaniskan laydiin siiyay waxaan idiin sheegayaa inaydaan dayicin oo aydun ka faa’idaysataan.

intaas waxa uu ku daray.”waxaad ogataan inaad wixii aad taqaaneen yahay tababarkani wixii aad ku gudbinayseen,Macalin jaamacadda caalami ah sita ayaa hadana macalin ka aqoon yari ay ardaydu tidhaa kaas ayaanu doonaynaa hadana waxa laga yabaa in maamulkii meeshaas joogay inuu u gartay inuu dhigayo ka shahaada wanaagsan haystay,Markii wasiirka lay Magacaabay jaamacaddan ayaan qalinka haystay oon wax ka dhigayay markaas Sifiican ayaan u garanayaa Macalinimada,waxaanan rajaynayaa macalimiintaas idiin dhigi doonta inaad ka faa’idaysataan.

Dhinaca kale waxa uu ka shekeeyay wasiirku xigeenka waxbarashadu habka ay jaamacadda beder ku qaadato Macalimiinta waxaana uu yidhi.”Jaamacadda Beder nin jeclaysi iyo hebel iyo qabiil waxaas lagama yaqaano,waxa ay ku qataan tayada macalinka iyo shahaadada uu marba sito kalsooni buuxda ayaan ka qabaa in hebel ku biixi laydiinku keeni doonin,Tababarku Maaha waxa joogsanaya waa wax lagaaga baahan yahay inaad markasto kordhisid.

Contact@afkashacabka.com