Dawlada Mareykanka oo Sharraxay Dacwadaha Musuq-maasuq ee loo hayso Xidhiidhka Kubada Aduunka Ee FIFA

0
Thursday June 04, 2015 - 18:27:58 in by Burco Office
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dawlada Mareykanka oo Sharraxay Dacwadaha Musuq-maasuq ee loo hayso Xidhiidhka Kubada Aduunka Ee FIFA

    Waaxda Cadaaladda dalka Mareykanka ayaa soo saartay warbixin la xiriirta sida uu u dhacay Musuqmaasuqa lagu eedeeyay xiriirka FIFA, waxayna Waaxdu xusay in arrintani ay tahay sida ay baaritaanka u fulinayaan FBI-da Mareykanka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waaxda Cadaaladda dalka Mareykanka ayaa soo saartay warbixin la xiriirta sida uu u dhacay Musuqmaasuqa lagu eedeeyay xiriirka FIFA, waxayna Waaxdu xusay in arrintani ay tahay sida ay baaritaanka u fulinayaan FBI-da Mareykanka.


Qoraal ka kooban 40-bog oo ay soo saartay Waaxda Cadaaladda ayaa waxaa ku Lifaaqnaa Marqaatiyaasha, waxaana ka muuqday in madixii hore ee golaha fulinta FIFA ee u dhashay dalka Mareykanka uu lagu eedeynaayo 10-dambi oo ka mid ah lacag is-dabamarin, lacago si xun lagu kasbado iyo canshuur ka cararid.

Sidoo kale, waxaa Qoraalkaan ku Cad inuu sheegay Ninkan in isaga iyo mas'uuliyiinta kale ay laaluush qaateen intuu socday loolankii ay Koonfur Afrika ugu soo baxday marti-gelinta Ciyaarihii Adduunka Sannadkii 2010-kii.

Warbixinta ayaa imaanaysa kaddib markii maalin ka hor uu xilka iska casilay Sepp Blatter oo ahaa madaxii Xiriirka FIFA, kaasoo ku guuleystay todobaadkii hore in mar shanaad loo doorto hoggaanka FIFA.

Xoghayaha Guud ee FIFA, Jerome Valcke ayaa iska Fogeeyay ku lug Lahaanshaha eedaha loo haysto mas’uuliyiinta Hay'adda FIFA ee la xiriirta Musuq-maasuqa iyo Wax-is-daba-marinta isgaoo sheegay in eedeynta ah inuu wax ka qaatay 10-milyan oo doollar oo lagu eedeynayo madaxda FIFA aysan waxba ka jirin.

Valcke oo la hadlay idaacadda Info ee dalka Faransiiska ayaa sheegay in isagu uu ka yahay eed-laawe musuqmaasuqa baaristiisa lagu jiro, isla markaana aanu iska casili doonin xilka uu ka hayo FIFA.

"Marka hore, Ma jirto sabab aan u dhaho ma sii ahaanayo xilka Xoghayaha Guud ee FIFA, iyadoo laga tixraacayo wixii dhacayay maalmihii lasoo dhaafay,” ayuu Valcke yiri Isagoo intaas raaciyay. "Xil igama saarna, mana jirto wax aan isku eedeeyo, mana dareemaayo in aan dembi-galay, mana u qiildeyayo sida aan eed-laawe u ahay.”

Ugu dambeyn, dacwad-oogayaasha dalka Mareykanka waxa ay tilmaamaya inay baarayaan isku Xirnaanta Arrintan, iyagoo ka Shakisan in Laaluush la bixiyay Xilligii y Socotay Cod uqaadistii ciyaarihii Adduunka 2010-kii ee lagu qabtay dalka Koonfur Afrika.

Si kastaba ha ahaatee, Mas'uuliyiinta FIFA ayaa ku Andacoonaya in Koonfur Afrika ay ku Caawisay Lacagtaas Ciyaaraha Caribbeanka, balse Dowladda Koonfur Afrika weli kama aysan hadlin sababtii ay lacagtaas u bixisay.


Contact@afkashaacabka.com