BOQOL Ruux oo ku Geeriyooday DAB Qabsaday Kaalin shidaal oo ku taala dalka Ghana +Sawiro

0
Thursday June 04, 2015 - 19:16:56 in by Burco Office
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    BOQOL Ruux oo ku Geeriyooday DAB Qabsaday Kaalin shidaal oo ku taala dalka Ghana +Sawiro

    Ugu yaraan 100-qof ayaa ku dhintay, tiro kalena way ku Dhaawacmeen kaddib Dab ka dhashay Qarax Koronto oo Qabsaday Kaalin Shidaal oo ku yaalla Xarunta Dalka Gaana ee Accra, iyadoo xalay oo dhan ay magaaladaas ka da'ayeen Roobab Mahiigaan ah.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ugu yaraan 100-qof ayaa ku dhintay, tiro kalena way ku Dhaawacmeen kaddib Dab ka dhashay Qarax Koronto oo Qabsaday Kaalin Shidaal oo ku yaalla Xarunta Dalka Gaana ee Accra, iyadoo xalay oo dhan ay magaaladaas ka da'ayeen Roobab Mahiigaan ah.

 

Afhayeenka Damb-dambiska Gaana, Prince Billy Anaglate oo la hadlay warbaahitna ayaa Sheegay in Qaraxu ka dhashay Koronto si lama Filaan u Qabsatay Gaari Xamuul ahaa oo marayay meel ku dhow kaalinta shidaalka, kaddibna uu dabkii si fudud ugu fiday Kaalinta iyo Dhismayaal ku dhow.

Dabka ayaa burburiyay kaalinta shidaalka iyo gaadiid halkaas yaallay, waxaana kale oo uu Bur-bur Xooggan u geystay Dhismayaal Waaweyn oo Kaalinta Shidaalka ku dhow, iyadoo mas’uuliyiinta Gaana ay ku sheegeen dabkan inuu yahay kii ugu khasaaraha badnaa ee ka dhaca Gaana muddo sannado ah.

"Qaraxu wuxuu ahaa mid xooggan, dadkii kaalinta ku sugnaana fursad uma helin in ay ka baxsadaan dabka,” ayuu yiri Billy Anaglate; isagoo sheegay in dhimashadu ay marayso in ka badan 100-qof, welina ay tiradu kor u sii socoto.

Sidoo kale Duqa Magaalada Accra, Oko Vanderpuije ayaa isagana wariyeyaasha u sheegay in ciidanka la dagaalama dabka iyo booliisku ay goor hore gaareen kaalinka shidaalka ayna badbaadiyeen dad badan oo ku xayirnaa halkaas.

Wariyeyaal Booqday Kaalinta ayaa Sheegay in ay Arkeen Baabuur Fara badan oo Gubtay iyo maydadka dad ku dhex-dhintay gaadiidka, kuwaasoo weli maydadkoodu ay gaadiidka ku dhex-jiraan, wax walba oo goobta yaallayna ay dhammaantood gubteen.

Roobab Mahiigaan ah oo Saacado badan oo Xalay ah ka da’ayay Magaalada Accra ayaa la Sheegay in meel walba ay Biyo dhigeen, iyadoo la Arkayo Biyo aad u badan oo Ceegaaga dhismayaasha waaweyn iyo Waddooyinka Magaaladaas.

Madaxweynaha Gaana, John Mahama oo goobta uu dabku ka kacay booqday ayaa sheegay in uu aad uga xun yahay khasaaraha nafeed iyo midda Maaliyadeed ee ka dhalatay Kaalinta shidaalka.

"Tani waa Musiibo weyn, Waxaana Sameynaynaa Qorshe kale oo looga Badbaadi karo in dhibaatadan oo kale ay dhacdo,” ayuu yiri Mahama oo sheegay in Roobku uu Kaalin weyn ku lahaa khasaaraha dhacday, maadaama ay xaryimeen gurmadkii lala gaari lahaa dadkan goobta Geeriyooday.

Ugu dambeyn, Weli Waxaa Magaalada Accra ee Caasimadda Gaana ka socda Gurmad loo Fidinayo Dadkii Waxyeelladu kasoo gaartay 

Kaalinta Shidaal ee Dabku qabsaday, inkastoo lagu guuleystay in dabka la damiyo.





Contact@afkashacabka.com