Afhayeenka Xisbiga WADDANI Oo Beeniyey Warar Laga Baahiyey.

0
Friday June 05, 2015 - 12:27:42 in by salman abdi
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Afhayeenka Xisbiga WADDANI Oo Beeniyey Warar Laga Baahiyey.

    Xildhibaan Ibraahim Mahdi Buubaa, ahna afhayeenka Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay warar lagu baahiyay qaar ka mid ah warbaahinta ay xukuumaddu maamusho, kaas oo sheegayay in ay ciidamada dawlad deegaanka Soomaalid

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xildhibaan Ibraahim Mahdi Buubaa, ahna afhayeenka Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay warar lagu baahiyay qaar ka mid ah warbaahinta ay xukuumaddu maamusho, kaas oo sheegayay in ay ciidamada dawlad deegaanka Soomaalida Ethiopia ay jidh dil u geysteen.


Xildhibaan Ibraahim Buubaa oo qoraal kooban oo uu kaga hadlaayey Arimahan ku baahiyey Bogiisa gaarka ah ee uu ku leeyahay Barta Facebook-ga ayaa waxa uu u dhignaa sidan:-

 


 

Waxa aan doonayaa in aan halkan ka cadeeyo in aanay waxba ka jirin warar lagu baahiyay qaar ka mid ah warbaahinta ay xukuumadu maamusho ama gacan saarka la leh kuwaas oo sheegayay in la igu xidhay ama la igu jidh dilay deegaanka Soomaalida Ethiopia.

Runtii gaadhigii iga soo qaaday Wajaale ayaa toos ii geeyay Jigjiga, wax dhibaato ah oo isoo gaadhayna ma jirto, waxaanan ka raali gelinayaa dawlad Deegaanka Soomaalida Ethiopia warkaas ay baahiyeen warbaahinta xukuumadda gacan saarka la leh, kaas oo wax badan u dhimaya xidhiidhka wanaagsanee ka dhaxeeya Somaliland iyo Dawlada Itoobiya.

Waayadan dambe waxa aad ka war haysaan in xukuumadda Kulmiye ay dalaw dheer ka sii ridayso ama ka tuurtay xidhiidhadii wacnaa ee aynu la lahayn wadamada jaarka.

Waxa aan mar kale halkan ka cadaynayaa in aanu warkaasi waxba ka jirin isla markaana uu yahay mid ay baahiyeen dad aan xil kas ahayni.”


Contact@afkashacabka.com