Xogo Sir Ah Oo La Helay Oo Iftiimiyey In Madaxweynihii Hore Ee Yemen Cali Cabdala Saalax Uu Taageero Siin Jiray Al-Qaacida.

0
Friday June 05, 2015 - 12:29:58 in by salman abdi
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xogo Sir Ah Oo La Helay Oo Iftiimiyey In Madaxweynihii Hore Ee Yemen Cali Cabdala Saalax Uu Taageero Siin Jiray Al-Qaacida.

    Madaxweynihii hore ee dalka Yemen Mr. Cali Cabdullah Saalax oo xilka lagaga tuuray kacdoon shacab, ayaa warbixino sir ah oo la helay ku eedeeyeen inuu xidhiidh la lahaa, isla markaana caawimo u fidin jiray Al-qaacidada Gacanta Cadmeed ee la yidhaah A

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynihii hore ee dalka Yemen Mr. Cali Cabdullah Saalax oo xilka lagaga tuuray kacdoon shacab, ayaa warbixino sir ah oo la helay ku eedeeyeen inuu xidhiidh la lahaa, isla markaana caawimo u fidin jiray Al-qaacidada Gacanta Cadmeed ee la yidhaah AQab (Al Qaeda in the Arabian Peninsula). Sida lagu iftiimiyey warbixino baadhitaanno ah oo unugga baadhitaanka warbaahinta Al Jazeera soo saaray toddobaadkan, oo uu soo xigtay WargeyskaJamhuuriya,waxa bedka lagu soo dhigay in Cali Cabdullah Saalax caawin jiray Al-qaaciida, sida ay sheegeen xubno dagaalyahannada Al-qaacida ah oo warraysi ku bixiyey meel ka baxsan gacanta Carabta.

"Hoggaamiyayaal badan oo Al-qaacida ah waxay ku hoos jireen maamulka Cali Cabdullah Saalax. Waxa uu Cali Cabdullaha Al-qaacida u beddelay urur habaysan oo dambiilayaal budhcad ah, lamuu ciyaarayn oo kaliya reer galbeedka balse adduunka oo dhan buu ciyaar la ciyaarayey,” ayuu yidhi Xanu Maxamed Mujahid oo 38 jir ah oo Al Jazeera u warramay.

Eedayntan loo soo jeediyey Cali Cabdillah Saalax oo awoodda dalkiisa kacdoonka lagaga qaaday February 2012 waxa xubnaha Al-qaacida ka mid ah ee warraysiga bixiyey sheegeen inuu caawin jiray, isla markaana taageeri jiray Al-qaaciida xilligii uu madaxweynaha ka ahaa dalka Yemen.

Haddaba, ninka warraysiga ugu badan laga qaaday oo la yidhaa Hani Mujahid, waxa ka mid ahaa Al-qaacida ka mid ahaa ilaa sannadihii 1990aadkii, isla markaana uu safar ugu baxay Afganistan, isagoo tababar ku soo qaatay xero la yidhaa Al Faruq oo xubnaha Al-qaacida lagu tababary, kadibna uu halkaas kula kulmay hoggaamiyihiin Maraykanku dileen ee Osama bin Laden.

ninka la waraystay

Waxa kaloo la ogaaday in ninkan la waraystay oo xog badan hayey noqday khabiir dhinaca qaraxyada ku takhasusay, isagoo waliba baray dagaalyahannada Al-qaacida sida loo isticmaalo walxaha qarxa, halkaas oo uu intii uu tababarida ku jiray ku waayey suul ka mid ah suulashiisa, kadib markii si kedis ah walax ugu qaraxday.

Geesta kale, waxa Mujaahid dhawr jeer lagu qabtay Afganistan, waxaannu markii August 2006 xabsiga laga sii daayey ku soo noqday Yemen, isagoo waliba lacag lagu siinayey inuu basaaso Al Qaacida, gaar ahaan Ciidammada Ammaanka ee NSB (National Security Bureau) waxay siinaayeen $500 doollar, ahalka ciidammada kale ee loo yaqaan PSO (Political Security Organization) ay bishii siinaayeen $250 doollar si uu macluumaad ugu sii gudbiyo sida uu caddeeyey Richard Barret oo ka mid ah sirdoonka Ingiriiska ee MI6 oo hadda ah Agaasimaha Kooxda Baadhista Alqaacida ee Qaramada Midoobay.

Haddaba, ninkan Mujahid la yidhaa waxa uu sheegay inuu maxkamada ka hor caddayn doono dhammaan xogaha iyo siraha uu hayo, taasoo laga dhex arki doono xubno masuuliyiinta Yemen ah oo aan laga filayn in ay hawlahaas faraha kula jiraan.


 





Jamhuuriya Source.