19 Qof Oo Ku Dhintey Dagaal ka Dhacay Gobolka Gal-guduud ee Dalka Somalia

0
Friday June 05, 2015 - 12:30:01 in by salman abdi
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    19 Qof Oo Ku Dhintey Dagaal ka Dhacay Gobolka Gal-guduud ee Dalka Somalia

    Dagaalo ayaa shalay mar kale la sheegay inay ka dhacay deegaano u dhow xuduudda Soomaaliya iyo Ethiopia. Gaar ahaan tuulooyin u dhaxeeya degaanada Feer Feer iyo Shilaabe ee gobolka Qoraxey ee Gudaha Ethiopia.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dagaalo ayaa shalay mar kale la sheegay inay ka dhacay deegaano u dhow xuduudda Soomaaliya iyo Ethiopia. Gaar ahaan tuulooyin u dhaxeeya degaanada Feer Feer iyo Shilaabe ee gobolka Qoraxey ee Gudaha Ethiopia.


Deegaanada ayaa ku beegan inta u dhaxeysa degmooyinka Guriceel, gobolka Galduguud, iyo Matabaan ee Gobolka Hiiraan. Dagaalada ayaa ka kala dhacay deegaano miyi ah oo hoos yimaadda degmada shiilaabo ee gobolka qoraxeey.

 

 

 

Tiro aan si rasmi ah loo xaqiijin ayaa dhimashada dagaalkii shalay gaadhsiineysa ilaa 19 qof oo 5 ka mid ah ay ku dhinteen dagaal ka dhacay tuulada Aabbaley oo ku taalla gudaha dalka Ethiopia isla markaana 20 KM Xuduudda Somalia u jirta.

Dagaalladan ayaa daba socda dagaallo qadhaadhaa oo maalmihii u dambeeyay deegaankaasi ku dhex marayey ciidamada Liyuu booliska ee kilalka shanaad ee Itoobiya iyo dadka deggan xuduudka Itoobiya iyo Soomaaliya ee ka soo jeedda Soomaaliya. Dagaalladaasi ayaa waxa hore ugu dhintey ilaa 55 qof, kuwaasi oo laba dhinac ah.

Colaadahan ayaa warar kala duwan ka soo baxayaan sababta dhalisay, laakiin wararkaasi qaarkood ayaa sheegaya inay dagaalamaan dad ka cadhooday tayadiyo ciidamada Liyuu boolisku ka geysteen deegaanada xuduudka Itoobiya iyo ciidamada Liyuu booliska ee Itoobiya.

Sidoo kale, warbaahinta Soomaaliya ayaa shalay baahisay askari mid ahaa ciidamada Liyuu booliska oo ka goostey ciidamada, isla-markaana u baxsaday dhanka shacabka gobolka Gal-gaduud.

Contact@afkashacabka.com