Shirkaddo Ganacsi Oo Dalka Dibadiisa Soo Gaadhay Magalada Hargaysa iyo Ujeeda Safarkoodu Daaranaa

0
Friday June 05, 2015 - 12:30:05 in by salman abdi
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Shirkaddo Ganacsi Oo Dalka Dibadiisa Soo Gaadhay Magalada Hargaysa iyo Ujeeda Safarkoodu Daaranaa

    Saraakiil ka socda shirkado ganacsi oo laga leeyahay dalalka Itoobiya iyo Faransiiska oo ka qaybqaadanaya mashruuca biyo-ballaadhinta caasimadda Hargeysa, ayaa booqasho ku yimi dalka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Saraakiil ka socda shirkado ganacsi oo laga leeyahay dalalka Itoobiya iyo Faransiiska oo ka qaybqaadanaya mashruuca biyo-ballaadhinta caasimadda Hargeysa, ayaa booqasho ku yimi dalka.

Shirkadahan oo magacyadooda la kala yidhaa Awash Weldey & Feljas iyo Masson Contracting Company oo ku guulaystay tartan loo galay qandaraaska biyo-gelinta magaalada Hargeysa ee mashruuca ay iska kaashanayaan Midowga Yurub iyo Sanduuqa Horumarinta Somaliland (SDF), ayaa bilaabaya hawsha qodista, xidh-dhidda beebka iyo dabka ee biyaha Geed-deeble oo loo samaynayo hannaan cusub, kadib markii habkii hore ee Shiinuhu sameeyey ku filnaanwaayey dadweynaha caasimadda oo tiradoodu aad u badatay.

Maareeyaha Wakaaladda Biyaha Hargeysa Md. Ibraahim Siyaad Yoonis, ayaa ka warramay kulamo dhexmaray saraakiil ka socda shirkadahan booqashada ku yimi Hargeysa shalay.

11351370_10152917115937469_5846750236263498439_n

"Waxaannu kulan ballaadhan ku yeelanay xafiiska Wakaaladda Biyaha ee Hargeysa shirkadda ku guulaysatay qandaraaska biyo-gelinta caasimada Hargeysa (Main Construction Contract) oo ah qodista, xidh-xidhka beebka, dabka iyo farsamada mashruuca oo ah qaybta ugu muhiimsan mashruuca biyo-ballaadhinta oo uu bar-bilow u ahaa, iyadoo ay ka qaybgaleen madaxda Wakaaladda Biyaha, hay’adda UN Habitat, FITCHNER iyo shirkadda heshay qandaraaska oo ah Awash Weldey & Feljas iyo Masson Contracting Company oo ah laba shirkadood oo wadashaqeeya oo laga kala leeyahay dalalka Itoobiya iyo Faransiis,” ayuu yidhi Maareeye Ibraahim Siyaad oo qoraal kooban ku baahiyey barta uu ku leeyahay shabakadda dadweynuhu ku wada xidhiidho ee Facebook, waxaannu intaa ku daray, "Shirku wuxuu mid shaqo oo muddo dheer qaatay, annagoo socod ku tagnay goobta ama xarunta la dhigay qalabka biyo-ballaadhinta, maadaama oo lagu wareejinaayey shirkadda oo qaadanaysa masuuliyadda goobta, isla markaana bilaabaysa shaqada qodista iyo xidh-xidhka dhuumaha iyo shaqada kale ee biyo-ballaadhinta uga xilsaaran tahay.”

Dhinaca kale, Guddiga hagta mashruucan biyaha oo ka kooban wasiirro, maayarka caasimadda iyo wakiillo ka kala tirsan hay’adaha maalgelinta iyo fulintiisa, ayaa kulan ay yeesheen kaga wadahadlay hawshan biyo-ballaadhinta.

11401270_10152917114752469_1974858264711347592_n

Kulanka oo ka qabsoomay huteelka Maansoor habeenimadii Khamiistii, kana qaybgaleen Wasiirrada Wasaaradaha Biyaha iyo Qorshaynta Qaranka, Maayarka caasimadda, masuuliyiin ka kala socday Midowga Yurub, Sanduuqa Horumarinta Somaliland iyo hay’adda UN-HABITAT, waxa ka warbixiyey Maareeyaha Wakaaladda Biyaha Ibraahim Siyaad Yoonis oo xubin ka ah, "Kulanka waxa lagaga dooday hawlaha qabsoomay ilaa hadda iyo hawlaha dhiman ee mashruuca biyo-ballaadhinta Hargeysa oo maraya meeshii ugu muhiisanayd, waxaannu ku soo dhammaaday guul iyo iyada oo lagu tallaabsaday labadii bilood ee ugu dambeeyay qodobo badan oo aad u mihiim ah,” ayuu yidhi Md. Ibraahim Siyaad Yoonis.


 






Xigasho Jamhuuriya