MAAMULKA GOBOLKA HIIRAAN: Liyu Boolisku Xasuuq ayay ka Geysteen Gobolka Hiiraan

0
Friday June 05, 2015 - 20:12:32 in
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    MAAMULKA GOBOLKA HIIRAAN: Liyu Boolisku Xasuuq ayay ka Geysteen Gobolka Hiiraan

    Ku-simaha Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Hiiraan, Sheekh Xuseen Cismaan Cali oo wareysi gaar ah siinayay laanta Afka Soomaliga ee VOA ayaa ku eedeeyay ciidammada dowlad deegaanka Itoobiya ee Liyu Booliiska inay Shacab ku Xasuuqeen sidda uu hadalka u d

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ku-simaha Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Hiiraan, Sheekh Xuseen Cismaan Cali oo wareysi gaar ah siinayay laanta Afka Soomaliga ee VOA ayaa ku eedeeyay ciidammada dowlad deegaanka Itoobiya ee Liyu Booliiska inay Shacab ku Xasuuqeen sidda uu hadalka u dhigay deegaanka Deefoow ee Gobolka Hiiraan.


''Waxaan og-nahay kana War-qabnaa in Hadda Ciidammo Liyu Booliis ah ku Sugan yihiin deegaanka Deefoow oo qiysaatii 46 km u jirta Beledweyne, Waxay Arrintu isku badashay xasuuq iyo in ay dadku hub isugu dhiibaan, wax qarsoon ma'aha oo xitaa xildhibaannada baarlamaanka ayaa arrintaa ka hadllay, siddaa daradeed annaga ka maamul ahaan uma dul-qaadan doonno fara-galinta intaa la eg,” ayuu yiri ku-simaha guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan.

Mar la weydiiyay tallaabada ka maamul ahaan ay qaadayaan ayuu sheegay in haddii uu xaalku siddan sii ahaado ku qasban yihiin in ay qadaan tallaabo militari..

''Annaga markii hore waxaan is laheyn shir dib-u-hishiisiin ah ayaa socda, ma'aha in colaad la abuuro, balse marka aad eegto sidda ay hadda wax u socdaan waxaan ku qasbannahay inaan Fara-galin ciidan ku sameyno Deegannada lagu Dirirayo,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Ku-simaha Gudoomiyaha Maamulka gobolka Hiiraan, Sh. Xuseen Cismaan ayaa noqonaya Mas'uulkii ugu horreeyay ee si toos ah ugu eedeeya ciidanka Dowlad-deegaanka Somalida Itoobiya ee Liyuu Booliiska in ay ku lug leeyihiin dagaallada ka socda deegaannada dhac xadka gobolka Hiraan uu la wadaago dhulka ismaamulka Soomaalida Itoobiya.

Dagaallo Culus oo Khasmiistii hore ku dhex-maray Deegaanka Deefoow Maleeshiyaad is abaabulay iyo ciidammada Liyuu Booliiska dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa la rumeysan yahay in ay ku dhinteen in ka badan 15 ruux oo labada dhinac ah.

Sidoo kale, Dagaallo maalmihii ugu dambeeyay ka socday Xuduudda Gobolka Gal-guduud uu la wadaago Itoobiya ayaa waxaa ku dhintay tiro ka badan 50 ruux.


    contact@afkashacabka.com