Ururuka Jaamacada Carabta Ayaa Ku Baaqay In La Caa

0
Friday June 05, 2015 - 20:49:18 in by Burco Office
  • Visits: 603
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ururuka Jaamacada Carabta Ayaa Ku Baaqay In La Caa

    Jaamacada Carabta ayaa dowladaha iyo ururada Samafalka Carabta ugu baaqday inay kaalmo bani'aadamnimo oo deg-deg ah la Gaaraan Qoxootiga u dhashay dalka Yemen ee ku sugan dalalka Soomaaliya iyo Jabuut.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Jaamacada Carabta ayaa dowladaha iyo ururada Samafalka Carabta ugu baaqday inay kaalmo bani'aadamnimo oo deg-deg ah la Gaaraan Qoxootiga u dhashay dalka Yemen ee ku sugan dalalka Soomaaliya iyo Jabuut.

Xog-hayaha Jaamacadda Carabta, Nabiil Al-Carabi ayaa baaqaan diray kaddib kulan uu la Qaatay safiifka Soomaaliya ee Qaahira, C/llaahi Xassan Jaamac Khamiistii shalay ahayd; kulankaasoo ay uga hadleen xaaladda Qaxootiga Yemen.

Danjiraha iyo Xoghayaha ayaa isla meel dhigay muhiimadda ay leedahay in Gar-gaarkaan la gaarsiiyo Somaliland iyo Puntland oo ah deegaannada ugu badan ee ay ku sugan yihiin Qaxootiga ugu badan ee ka cararay Yemen, marka la eego Somalia inteeda kale.

"Waxaan Qaadaynaa Tallaabo aan uga Jawaabayno baahida Qoxootiga Waddanka Yemen ee ku suganSomalia iyo Yemen, kulamadeenna soo socdana waxaan xoogga ku saareynaa xaaladaha aadamnimo ee Qaxooiga ku sugan Somalia,” ayuu yiri Al-Carabi.

Nabiil Al-Carabi ayaa xusay in uu jiray baaq kaga yimid Dowladda Jabuuti bishii May ee sanadkaan, kaasi oo Jabuuti ay kaga dalbatay Jaamacadda Carabta iyo Samafalayaasha in gargaar Cuno iyo dawo lala soo gaaro Qaxootiga ku sugan dalkeeda.

Soomaaliya ayaa waxaa Bilihii ugu dambeeyay soo gaaray Qoxooti kasoo Cararaya Dadka Yemen, kuwaasoo ay ku jiraan dad Yemeniyiin ah, kuwaasoo qaar ka mid ah Qoxootigaas Yemen ay ku sugan yihiin Muqdisho.

Baaqa Jaamacadda Carabta ayaa imaanaya iyadoo Yemen ay weli dagaallo aad u xooggan oo u dhexeeya Xuuthiyiinta Yemen iyo ciidamada Dowladda aan awoodda lahayn ee dalka Yemen u dhexeeya, kuwaasoo ka socda Magaalada Cadan oo ku taalla Koonfurta Yemen.

Ugu dambeyn, dalka Sacuudiga iyo Xulufadiisa ayaa Weerarro Cirka ah ku Qaaday dalka Yemen, kaddib markii kooxaha Xuuthiyiinta Shiicada ah ay meesha ka saareen Dowladdii Madaxweyne Cabdulrabbi Haaddi oo hadda ku sugan isagoo baxsad ah uu hadda ku sugan yahay Magaalada Riyadh ee xarunta dalka Saudi Arabia.


           Contact@afkashacabka.com