Isbitaal ay Dowladda Imaaraadka Carabtu ka dhistay Muqdisho oo Xadhiga laga Jaray+Sawiro

0
Friday June 05, 2015 - 21:00:24 in by Burco Office
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Isbitaal ay Dowladda Imaaraadka Carabtu ka dhistay Muqdisho oo Xadhiga laga Jaray+Sawiro

    Dowladda isu-tagga Imaaradka Carabta ayaa Muqdishu ka hir-galisay Isbitaal cusub oo weyn, kaasoo loogu magac-daray Sh. Zaaid Bin Suldaan Al-Nahyaan, waxaana si rasmi ah xarigga uga jaray Madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud oo ka Qayb-galay mu

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dowladda isu-tagga Imaaradka Carabta ayaa Muqdishu ka hir-galisay Isbitaal cusub oo weyn, kaasoo loogu magac-daray Sh. Zaaid Bin Suldaan Al-Nahyaan, waxaana si rasmi ah xarigga uga jaray Madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud oo ka Qayb-galay munaasabadda furitaaan Isbitaalkan cusub.

 

Sidoo kale, furitaanka Isbitaalka ayaa waxaa ka Qayb-galay RW Somalia, Goddoomiye ku xigeenka Labaad ee Baarlamanka iyo Xubno ka tirsan labadda gole ee Dowladda Somalia, Danjiraha Nisklos Key iyo safiirka Midowga Yurub ee Somalia, Michele Cervone D’urso.

Danjiraha Imaaaraadka Carabta ee Somalia, Maxamed Axmed Cusmaan Al-xumaadioo ugu horreyn madasha ka Hadlay ayaa Sheegay in uu Isbitaalkan yahay mid loogu Adeegi doono Shacabka Soomaaliyeed; iyadoona maalintii lagu qaabili doono 300 oo bukaan, isla markaana leh Qayb la jiifin doono Bukaanada Aadka u liita.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa amaan iyo bogaadin u soo jeediyay dowladda isu-tagga Imaaraadka Carabta; isagoo ku ammaanay Mashaariicda Horumarineed ee ay ka fulineyso Soomaaliya iyo sida ay u garab-taagan tahay dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.

Ugu dambeyn, 12-kii bishii May ayay ahayd markii Madaxweynaha Xasan Sheekh uu si rasmi ah xariga uga jaray xero lagu tabarayo ciidamada Somalia oo dowladda Imaaraadka Carabta ay ka dhistay Degmada Hodan ee Gobalka Banaadir.



Contact@afkahsacabka.com