
Guurkii Hore Soomaalida , W/Q hinda cabdi sheikh
Soomalidu, waxay guurka u qeybin jirtay dhowr nooc, oo mid waliba leeyahay siyaabo uu ku yimaado iyo hab loo maamulo.
Noocyadan guurka soomaliyadu , waxay ahayeen shan nooc oo mid waliba ka kooban yahay laba qeybood ,kuwaasoo isku geyntoodu tahay toban nooc .
-
Guurka tooska ah
-
Boob
-
Dani ku badday
-
Sahan dumar
-
Bogin
1:GUURKA TOOSKA AH, WUXUU KALA BAXA
-
Isasiin
-
Heshiis
1.Guurka isasiinta ah, waa marka labada oday ee ubadka kala dhalay ay is arkaan oo ay isla jeclaadaab isna siyaan wilka iyo gabadha iyagoo wax la tahi ah la samaeyn wilka iyo gabdha.
- Mararka qarana odayga gabadha dhalay ayaa gabadhiisa siiya oday kale uu wiilka dhalay oo ay is yaqaanaan , isaagoo gabadhiisa la tashan ama wargalin ,
Siinta kaddib ayaa inaantiil loo sheegaa in nin la siiyey , ninka la siyeyna lagu raacay dano dhaqaale sida:-
Xoolo badani iyo bixinta yarad badan.
-
Heshiis waa marka wiilka iyo gabadha soo heshiiyaan si toos ah ama is arag oo cidu u dhaxeyso , marka kaddib, waxa iska soo hor fadhiista odayaasha labada dhinac,oo ka wada hadla wixii labada beelod xeer u ah ,dhunaaca guurka waxayna ka wada hadalaan meherka inaanta iyo yaraadka badana a gabadha lagu sarjaro yaradkii hooyadeed laga bixiyey, wuuse ka badanaan karaa ama ka yaraan karaa.
Yaraadka waxaa lagu bixin jirey, Geel, faras iyo Qori, ama noocyada kale ee xoolaha , iyaadoo ay ku xiran tahay hadba bulshadaasi nooca xoolaha ay dhaqato Geel, lo’Ari
2: BOOB , guurka nocan ah ,wuxuu u qeybsamaa laba nooc :
-
La tagis
-
Dhabar garaac
-
Guurka la tagis , waxay ahayd in wiilka intuu gabadha si qarsoodi ah ula heshiiyo uudabadeena latago reerkoodii, markuu reerkooda la tago ayaa loo mashxaradi jirey,oo la soo dhaweyn jirey , inaantii oo ku sugan reeerkoodii ayaa loo tagi jirey reerkii ay gabadhu ka dhalatay, is loogu hibeeyo xoolo, oo ogolaansho laga helo waalikeeda loona meheriyo.
-
Dhabar garac guurka noocan aya ah sida tan:
Marmarka qaar, waxaa dhici jirtay in wiilku xoog ku ka xeysto gabadha lafteeda iyo reerkooda midna ogolaansho ka haysan oo khasab ku gursado,Guurka noocaan ah ,wuxuu ka soo horjeeda shaareecada Islaamka ah, haddana wuxuu ahaa mid ka dhaca bulshada dhexdeeda inkatoo aanu ku badneyn.
G uurkaan wuxuu badana dhici jirey marka laba nin isku heystaan gabadha o o mid kastaa uu doonayo in uu isaagu guursado, lama tixgelin jirin ikhtiyaarka iyo doonista gabadha ee wuxuu ahaa mid xoog ku fadhiya oo midkii u soo hooreeya ku dhici jirey gabadha , maramrka qaaarna ,waxaa nin kii ka xaystay maahe ku kale ka daba yimaado oo xoogo, G uurka noocaan ah , waxaa ka dhalan jirey colaado iyo naceyb beelaha dhex mara.
3: Dani ku baday Guurka noocaan ah wuxuu u qeyb samaa:
1.xigsiin
2.Dumaal
-
Guurka nooca ah ee xigsiisanka ,wuxuu ahaa mid duruufi keento, oo ah marka ninku ooridiinka geeriyooto ayaa waalaasheed la siin jirey , ujeedada ugu weyn ee laga lahaa, waxay ahayd in aan caruurta dayacmin oo habar ayartood la noolaadan halkii gabadh kale oo ninku soo guursado ay ka hayn lahayd.
Guurkii Hore Soomaalida , W/Q hinda cabdi sheikh
Soomalidu, waxay guurka u qeybin jirtay dhowr nooc, oo mid waliba leeyahay siyaabo uu ku yimaado iyo hab loo maamulo.