Yaa Ka Soo Ifbaxay Kooxahii Xili Ciyaareed Taranka Championka Leageu Warbixin

0
Sunday June 07, 2015 - 12:43:36 in by Burco Office
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Yaa Ka Soo Ifbaxay Kooxahii Xili Ciyaareed Taranka Championka Leageu Warbixin

    Waxaa xalay soo dhmaaday tartanka champions league ee xili ciyaareedkaan 2014-2015 oo ay ku guuleysatay kooxda Barcelona kadib marki ciyar dhamaadkii xalay ay 3-1 kaga adkaadeen kooxda reer talyaani ee Juventus, hadaba waxay shabakada ciyaaraha ee Go

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaa xalay soo dhmaaday tartanka champions league ee xili ciyaareedkaan 2014-2015 oo ay ku guuleysatay kooxda Barcelona kadib marki ciyar dhamaadkii xalay ay 3-1 kaga adkaadeen kooxda reer talyaani ee Juventus, hadaba waxay shabakada ciyaaraha ee Goal ay soo saartay shaxdi ugu fiicneyd ee tartankaan, halkaan ayaadna ka bogan kartaa.


MARC-ANDRE TER STEGEN | BARCELONA| Xaqiiqda ayaa ah in Claudio Bravo uuka heysto booska koowaad ee tartamada maxaliga ah, laakin ka ciyaaritaankiisa tartamada yurub ayaan aheyn wax lagu qasaaray isagoo lix kulan shabaq nadiif ah kala baxay, sidoo kalena wuxuu sameeyo badbaadino cajiib ah sida rigooradii uu ka badbaadiyay Sergio Aguero iyo kubad uu gadaal uga soo laabtay si layaab leh si uu laad uga badbaadiyo Robert Lewandowski.

GERARD PIQUE | BARCELONA| Daafaca Spain ayaa dib u helay qaab ciyaaredkiisi fiicnaa wuxuuna fure u ahaa daafaca Barcelona iyo sidoo kale guulahoodi xili ciyaareedka, Pique ayaa ahaa taaganaha daafaca dhexe ee Barca gaar ahaan heerarkii ugu danbeeyay ee bug baxda, kaliyana 10 qalad ayuu galay inti uu socday tartanka xili ciyaareedkaan.

GIORGIO CHIELLINI | JUVENTUS| Wuxuu ka caawiyay kooxda ree talyaani iney garoonka kala baxaan lix kulan shabaq nadiif ah, kaliyana Xabi Alonso iyo Toni Kroos ayaa dhameystiray baasas ka badan inta uu baasay daafacan, maqnaanshihiisana xalay garoonka waa laga tabay.

AYMEN ABDENNOUR | MONACO |Inkastoo uu seegay afarti kulan ee ugu horeysay tartankaan hadana daafacaan reer Morocco ayaa ugu garaabay kooxdiisa daafac adagwaqtiyadii bug baxda wuxuuna kooxdiisa ka caawiyay iney kasoo baxdo kooxda Arsenal oo ay soo gaaraan wareega afar dhamaadka, Bayer Leverkusen ayuu afka qabtay, sidoo kalena wuxuu gool dhaliyay Zenit soo taagane dhameystiran ayuu ahaa intii uu kooxda u joogay.

YACINE BRAHIMI | PORTO |Garabkaan reer Algeria ayaa ahaa iftiinka ka dhex muuqda kooxda Portuguese ka ah oo qaadatay waliba xili ciyaareed cajiib ah, wuxuu ku garaabay sadexley maalintii ugu horeysay oo ay la ciyaarayeen BATE wuxuuna soo jiitay indhaha dadweynaha xiiseya kubada cagta kadib markii uu labo gool oo kale uu dhaliyay sidoo kale sadex caawinaad ayuu sameeyay.

XABI ALONSO | BAYERN MUNICH |Spanishkaan khadka dhexe ayaa ku jiray qaab ciyaareed cajiib ah wuxuuna ka caawiyay kooxda Bayern iney rajo sii yeelato inkastoo ay dhaawacyo hareeyeean, laad xor ah ayuu goolal cajiib ah kaga dhaliyay Manchester City iyo Porto wuxuuna muujiyay inuu yahay halyeey isagoo sameeyay 803 baas si uu kooxda u soo gaarsiiyo afar dhamaadki tartankaan.

TONI KROOS | REAL MADRID |Jarmalkaan heerka caalami ayaa dhameystiray baasas ka badan dhamaan ciyaartooyda kale ee tartanka wuxuuna geystay sadex caawinaad, ka hor inta uusan dhaawacmin wuxuu ku jiray qaab ciyaareed buuxa.

ANDRES INIESTA | BARCELONA |Inkastoo loo soo badalay booska burburiyaha hadana wuxuu ahaa mulaxamiistaha khadka dhexe ee kooxda ku guuleysatay sadexda koob, shan caawinaad ayuu sameeyay, mid kamid ahna waa tii xalay ee uu siiyay Rackitic, waxaana dhihi karnaa wuxuu ahaa xidigii garoonka, wuxuuna qaatay xili ciyaareed cajiib ah.

LIONEL MESSI | BARCELONA |Toban gool iyo shan caawinaad ayaa ka dhigtay inuu noqdo weeraryahan dhameystiran, laakin bandhig shaqsiyeedkiisi qeybihi bug baxda ayaa sidoo kale ka dhigtay inuu da’yarta so koreysa inuu u noqdo tusaale, bandhig layaab leh ayuu sidoo kale ku kala jaray kaligiis kooxaha Manchester City iyo Bayern isagoo xalayna ahaa geesigii kooxdiisa ku hogaaminayay dagaalka.

LUIZ ADRIANO | SHAKHTAR DONETSK |Braziliankaan ayaa sagaal gool ku garaabay, shan kamid ah wuxuu ku xasuuqay kooxda BATE. sidoo kale laf dhuun gashay ayuu ku ahaa daafacyada Bayern inkastoo uu awoodi waayey inuu shabqa ka so taabto.

CRISTIANO RONALDO | REAL MADRID| Hogaamiyaha gooldhalinta yurub, toban gool iyo afaard caawinaad ayuu sameeyay tartankaan inkastoo ay kooxdiisu ku hartay afar dhmaadka hadana isagu wuxu kabta dahabka ah kula guuleystay, markale ayuu soo saaray libaaxnimadiisa garoonka iyo inuu hogaamiye lama tabtaan ah.

Contact@afkashacabka.com,