Somali Tiro Badan Ayaa Ka Xanibay Garoonka Diyaarahada Magaalada Nairobi Dalka Kiiniya

0
Sunday June 07, 2015 - 13:06:52 in by Burco Office
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Somali Tiro Badan Ayaa Ka Xanibay Garoonka Diyaarahada Magaalada Nairobi Dalka Kiiniya

    Nairobi(Afka)- Dawladda Kenya ay joojisay duulimadyadii dalka Somaliya waxaana ay dad Soomaali badan ah oo doonayay inay u soo safarto dalka Soomaaliya ayaa ku xaniban Garoonka diyaaradah ee Magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Nairobi(Afka)- Dawladda Kenya ay joojisay duulimadyadii dalka Somaliya waxaana ay dad Soomaali badan ah oo doonayay inay u soo safarto dalka Soomaaliya ayaa ku xaniban Garoonka diyaaradah ee Magaalada Nairobi ee dalka Kenya.


Dadkaas Soomaalida ah ee Garoonka ku xaniban, ayaa Warbaahinta u sheegay inay haystaan tikidhada safarka, islamarkaana aanay garan karin sababta ay u xaniban yihiin, mid ka mid ah dadkaasi ayaa ku waramaayo inay iska dhex-joogaan Garoonka Jomma Kenyatta, aaanay jirin cid la hadashay oo u sheegtay sida ay wax u jiraan, Waxa uu sheegay inay maqleen in Kenya ay joojisay duulimadyadii aadi jiray Somali, isaga oo arintaasi ku tilmaamay caqabad, maadaama dad badan oo Somali ah oo gaaraya ilaa 40-ruux ay ku xaniban yihiin Garoonka.

Dawladda Kenya ayaa diyaaradaha ay mamnuucday ee dalka Somalia, waxaa la sheegayaa inay sabab uga dhigtay arimo ku saabsan dhanka ammaanka.

Bisha July ee soo socota ayaa la filayaa in dalka Kenya uu booqdo Madaxweynaha dalka Mareykanka Brack Obama.

Contact@afkashacabka.com