MMadaxweyne Ku Xigeenka Somaliland Oo Ka Qeyb Galay Xuska Maalinta Deeganka Oo Hargeysa Lagu Qabtey

0
Sunday June 07, 2015 - 14:59:19 in by Burco Office
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    MMadaxweyne Ku Xigeenka Somaliland Oo Ka Qeyb Galay Xuska Maalinta Deeganka Oo Hargeysa Lagu Qabtey

    Madaxweyne ku xigeenka Jmahuuriyada Somaliland mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici)

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweyne ku xigeenka Jmahuuriyada Somaliland mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici)

ahna ku simaha madaxweynaha Somaliland ayaa ka qaybgalay xaflad balaadhan oo lagu qabtay Xarunta Wasaaradda Deegaanka iyadoo xafladan lagu adkaynaayey maalinta deegaanka.

DSC_0003

Waxaana halkaasi ka hadlay wasiiro badan oo ku dheeraaday qiimaha ay leedahay maalinta deegaanku, sidoo kale waxaa iyana halkaasi ka hadashay Wasiirka Deegaanka Shukri Xaaji Ismaaciil Baandare kuna dheeraatay xuska iyo qiimaha ay leedahay maalinta deegaanku iyadoo ka warbixisay siday ka wasaarad ahaan uga hawl galeen ilaalinta iyo dhawrista deegaanka , Wasiirku waxay ku soo dhawaysay Madaxweyne ku xigeenka JSL Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici)

DSC_0014

Madaxweyne ku xigeenkuna waxa uu halkaasi hambalyo uga diray cid kasta oo ku hawlan ilaalinta deegaanka, gaar ahaana wasaaradda deegaanka oo mudooyinkii u danbeeyey ku hawlan ilaalinta iyo dhawrista deegaanka xilweyna iska saartay.

 

DSC_0015



Hargeysa/Office

Contact@afkashaacbka.com