Madaxwayne Ku Xigeenka Somaliland Oo Dhambaal Tacsiya Udiray Ehelkii iyo Qaraabadii Uu Ka Baxay Marxuum Xildhibaan Cabdillaahi Cali Xuseen

0
Sunday June 07, 2015 - 15:24:34 in by Burco Office
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxwayne Ku Xigeenka Somaliland Oo Dhambaal Tacsiya Udiray Ehelkii iyo Qaraabadii Uu Ka Baxay Marxuum Xildhibaan Cabdillaahi Cali Xuseen

    Madaxwayne Kuxigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil ahna ku simaha Madaxwaynaha Somaliland ayaa dhambaal tacsi u diray golayaasha qaran, ehelki iyo qaraabadii uu ka baxay Marxuum Xildhibaan Cabdillaahi Cali Xuseen Oo Ku geeriyooday Ma

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxwayne Kuxigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil ahna ku simaha Madaxwaynaha Somaliland ayaa dhambaal tacsi u diray golayaasha qaran, ehelki iyo qaraabadii uu ka baxay Marxuum Xildhibaan Cabdillaahi Cali Xuseen Oo Ku geeriyooday Magaalada Boorama.Dhambaalka Tacsda ee Madaxwayne kuxigeenka ayaa u dhignaa sidan:


TACSI MADAXWEYNE KU XIGEEN

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyada Somaliland, ahna ku simaha madaxweynaha Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) waxa uu tacsi u dirayaa, labada golle qaran ee Guurtida iyo Wakiilada, Qoyskii, Ehelkii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo Shacbiga Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxaristee Marxuum Xildhibaan Cabdillaahi Cali Xuseen oo ku geeriyooday boorama maanta 07/06/2015, kana mid ahaa Odayaashii ka soo shaqeeyey nabadayntii iyo dib u dhiskii dalka.

waxaanu Madaxweyne ku xigeenku marxuumka Alle uga baryayaa inuu naxariistii jannatu fardawsa ka waraabiyo,labada golle qaran ee Guurtida iyo Wakiilada,Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.


IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

Naasir Yuusuf Daahir

Xoghayaha Gaarka ah ee Xafiiska Saxaafada Madaxtooyada JSL, ahna ku simaha Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.