Abwaan Maxamed Ibraahin Warsame Hadraawi Ayaa Maanta Dalka Si Balaadhan Loogu Soo Dhaweeyey+Sawiro

0
Sunday June 07, 2015 - 16:26:50 in by Burco Office
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Abwaan Maxamed Ibraahin Warsame Hadraawi Ayaa Maanta Dalka Si Balaadhan Loogu Soo Dhaweeyey+Sawiro

    Hargeysa(Afka):-Abwaan Maxamed Ibraahin Warsame Hadraawi ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay ka dib markii safar ugu maqnaa qaar ka mid ah wadamada dibada.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa(Afka):-Abwaan Maxamed Ibraahin Warsame Hadraawi ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay ka dib markii safar ugu maqnaa qaar ka mid ah wadamada dibada.


Abwaan Hadraawi oo uu wehelinayo xoghayaha gaarka ah ee wasiirka madaxtooyada somaliland ayaa maanta ka soo dagay madaarka caasimada Hargeysa halkaas oo ay ku soo dhaweeyeen dad kala duwani.

Abwaan Hadraawi oo ka hadlay safarkiisa ayaa waxa uu yidhi " Safar ayaanu ku maqnayn dalal ka mid ah dhulka yurub la yidhaa, waxaanan joognay dhawr bilood, waxaanan tagnay dhul iska wanaagsan oo qabow, waxaanan iskugu tagnay dad badan oo qurba joog ah kuwaas oo ay muhiim tahay




in looga waramo waxa dalka jira oo la gubaabiyo, dadka somalida ah ee halkaas joogtaa aad ayey u badan yihiin waxaana la yaab ah sida ay u midaysan yihiin iyo sida ay u nidaamsan yihiin.”

 

Abwaan Hadraawi oo ka hadlayey olole dhinaca suugaanta ah oo uu ka waday wadamada qurbaha ayaa waxa uu yidhi "Wixii aanu qaban karanayn qabanay, wixii aanu kari karaynayna waxba lamaanu hadhin wixii aanu sheegi karaynay nimankaas qurba jooga ahna waanu u sheegnay.”

Xoghayaha gaarka ee wasiirka madaxtooyada somaliland Sharmaarke oo Abwaan Hadraawi ku wehelinayey safarka ayaa isaguna dhinaciisa ka war bixiyey safarkooda waxaanu hadalkiisa ku bilaabay sidan "Waxaanu ka soo gurya noqonay safar aanu ku wada jirnay abwaanka weyn ee umada afsoomaaliga ah ku hadasha ee Hadraawi, Abwaanka Afka Somaliga u dhaxeeya oo dhan ilaahayna hibo uga dhaliyey umada reer somaliland, maalmihii ugu danbeeyey waxaanu ku sugnayn wadamada Sweden iyo Germany muhiimadiisu ay ahayd in dadka sadex meelood lagala hadlo oo kala ah dadnimadooda, diintooda iyo dalkooda loona sheego inay dalkooda u maqan yihiin iyagana dhisme iyo taageero u noqoto aad ayaanay ugu farxeen aragtida abwaanka.”

Xoghayaha wasiirka madaxtooyada somaliland uu dawlada uga mahad celiyey siday xil gaar ah iskaga saareen ilaalinta abwaanka waxaanu yidhi "Waxaan u mahad celinayaa dawlada somaliland oo uu hor kacayo madaxweynaha somaliland iyo wasiirka madaxtooyada oo xil gaar ah iska saaray Abwaanka taban taabadiisa, ilaalinta caafimaadkiisa iyo ka war hayntiisa oo ah wax gaar ah oo ay umada somalida ahi leedahay inay iyagu garteen oo ay madaxa saarteena waan uga mahad celinaynaa.”

Sidoo kale maamule ku xigeenka labaad ee madaarka caasimada Hargeysa Cabdilaahi yuusuf Axmed oo isaguna ka hadlay soo dhawaynta abwaan Hadraawi ayaa waxa uu yidhi "Waxa farxad iyo sharaf weyn noo ah inaanu dalka ku soo dhawayno Abwaan Maxamed Ibraahin Warsame Hadraawi iyo Xoghaye Sharmaarke, waxaanan leenahay ku soo dhawaada dalka iyo dadkaba.”