Daawo:Masuliyiinta Jaamacadda Addis University ee Magaalada Burco ayaa Shahaadoyin Guddoonsiiyay Arday Dhammaysay Koorasyo Gaagaaban

0
Sunday June 07, 2015 - 17:00:03 in by Burco Office
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Daawo:Masuliyiinta Jaamacadda Addis University ee Magaalada Burco ayaa Shahaadoyin Guddoonsiiyay Arday Dhammaysay Koorasyo Gaagaaban

    Masuliyiinta Jaamacadda Addis University ee Magaalada Burco ayaa Shahaadoyin Guddoonsiiyay Arday Dhammaysay Koorasyo Gaagaaban oo Xirfado ay ku shaqays taan lagu barayey Qaybaha kala duwan ee Bulshada Burco, sidoo Kalena Bulshada ugu Bushaareeyey Koo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Masuliyiinta Jaamacadda Addis University ee Magaalada Burco ayaa Shahaadoyin Guddoonsiiyay Arday Dhammaysay Koorasyo Gaagaaban oo Xirfado ay ku shaqays taan lagu barayey Qaybaha kala duwan ee Bulshada Burco, sidoo Kalena Bulshada ugu Bushaareeyey Koorasyo ay Bisha Ramadaan Bilaabayaan oo lagu Baran Doono Xirfado iyo koorasyo Gaagaagaban oo Faido weyn u leh Bulshada.


Munasibadd Xalay Lagu Qabtay Barxadda Sare ee Jamacaddaasi ayay Masuliyiinta Jaamacaddu ku faahfaahiyeen Ardayda Qalinjebisay iyo Waxyaabaha kale ee ay Bulshada usoo kordhiyeen.

Xubno Kamida Ardayda ka qalinjebisay Koorasyadaasi Gaagaaban ayaa uga Mahadceliyey Jamacadda Fursadda ay siisay Ardaydan oo ay tilmaameen inaanay inta badan jaamacaduhu Bixin Fursado Noocan ah,iyago Bulshadana ugu baaqay inay ka faaidaystaan Wakhtiga.

Qaar ka mida ka soo qaybgalayaashi Munasibaddan ayaa iyaguna Halkaasi kaga Dhawaaqay Fursado Shaqo iyo Waxbarasho oo ay Siinayaan Ardayda Koorasyadan Dhammaysay, iyagoo Masuliyiinta Jamacaddana ku ammaanay Dedaalkooda.

 

 


Burco/Office
Contact@afkashacabka.com