Ciidankii Dowladda Somalia ee Saaka laga saaray Dhuuso-mareeb Oo Gaadhay Degmada Cadaado

0
Sunday June 07, 2015 - 18:12:14 in by Burco Office
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidankii Dowladda Somalia ee Saaka laga saaray Dhuuso-mareeb Oo Gaadhay Degmada Cadaado

    Cadaado(Afka)Wararka Degmada Cadaado ee Gobolka Galguduud, ayaa sheegaya in halkaa sacadihii ugu danbeeyay ee maanta gaareen ciidammo ku hubeysan gadiidka dagaallka oo kasoo baxay degmada Dhuusa-mareeb oo subaxnimadii hore ee maanta la wareegeen xoog

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Cadaado(Afka)Wararka Degmada Cadaado ee Gobolka Galguduud, ayaa sheegaya in halkaa sacadihii ugu danbeeyay ee maanta gaareen ciidammo ku hubeysan gadiidka dagaallka oo kasoo baxay degmada Dhuusa-mareeb oo subaxnimadii hore ee maanta la wareegeen xoogagga Ahlu Sunna Waljameeca.


Sarkaal u hadllay maamulka Ximin iyo Xeeb oo lagu magacaabo, Careys Maxamed Xaaji ayaa sheegay in ay soo gaareen Cadaado qaar ka mid ah ciidamadii dowladda ee Dhuusa-mareeb kula dagaallamay Ahlu Sunna Waljameeca,

Saraakiisha ciidamada dowladda Somalia ee Gobollada dhexe ayaa sheegay in ciidankooda ay kasoo saareen Degmada Dhusa-mareeb, kaddib markii ay soo Galeen Dagaalyahannada Ahlusunna Waljamaaca.

Careys Maxamed ayaa sheegay in ciidammada iyo gadiidka dagaalka ay wateen la dajiyay meel dulleedka ka ah degmada Cadaado, islamarkaana socdaan wadda hadallo la doonayo in xiisada lagu soo Af-jaro.

Illaa iyo Hadda dhab ahaan looma oga Khasaaraha ka dhashay iska-horimaadkii Saakay ku dhaxmaray ciidamada dowladda iyo xoogagga Ahlusunna degmada Dhuusa-mareeb.

Xiisadahaan Colaadeed ee mar kale kasoo Cusboonaaday Gobollka Galguduud ayaa kusoo Beegmaya Xilli loo Fadhiyo Shirka lagu soo Dhisayo Maamulka Gobollada Galguduud iyo Mudug.



Contact@afkashacabka.com