Wasiirka Hawlaha Guud Oo Rajo Wacan Ka Muujiyey In Ay Dib U Kacdo Warshada Laydhka Ee Hargaysa.

0
Thursday April 10, 2014 - 14:48:55 in by Super Admin
  • Visits: 794
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirka Hawlaha Guud Oo Rajo Wacan Ka Muujiyey In Ay Dib U Kacdo Warshada Laydhka Ee Hargaysa.

    Wasiirka Wasaarada Hawlaha Guud Mudane C/risaaq Khaliif Axmed Ayaa Shaaca Ka Qaaday Rajo Wanaagsana Ka Muujiyey In Dib Loo Kici Warshada Laydhka Ee Magaalada Hargaysa.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka Wasaarada Hawlaha Guud Mudane C/risaaq Khaliif Axmed Ayaa Shaaca Ka Qaaday Rajo Wanaagsana Ka Muujiyey In Dib Loo Kici Warshada Laydhka Ee Magaalada Hargaysa.


Warshada Laydhka Ee Hargaysay Oo Labadii Toddobaad Ee Ugu Dambeeyey Aan Wax Dab Ah Siinin Dadkii Isticmaali Jiray Korontadeeda Ayaa Wasiirku Waxa Uu Sheegay In Ay La Wareegeen Isla Markaana Rajo Wacan Ka Qabaan In Ay Kacdo Ka Dib Markii Ay Mashiino Cusub Oo Lagu Kicinayo U Soo Iibiyeen.

"Waad Ogtihiinoo Waxani Waa Wax Farsamo, Waanay Cilladoobi Karaan Oo Cilladi Way Iman Kartaa.Markaa Cillad Farsamo Ayaa Timid Oo Mashiinadii Waa Waynaa Ee Laydhka Magaalada Shidayay Ayaa Cilladi Ku Timid. Mudo Ayaanu Isku Daynay In Wax Laga Qabto Mashiinadii Hore Ee Yaalay, Hawshii Maamulka Ee Meesha Wasaaradda Ayaa La Wareegtay, Ilaa Maalmahana Waxaanu Ku Jiray Shaqadeedii. Waxa Kale Oo Aanu Samaynay Sidii Loo Heli Lahaa Matooro Kale, Waxaanu Rajaynaynaa In Mashiino Kuwii Hore Badalaa Soo Gaadhi Doonaan Dhawaan.” Ayuu Yidhi Wasiir Cabdirisaaq Khaliif Oo Laanta Afka Soomaliga Ee BBCda U Waramay.

Wasiirku Waxa Uu Caddeeyey In Mishiinadii Badalka U Noqon Lahaa Kuwii Ciladoobay Ay Dalka Iman Doonaan" Waxaanu Rajaynaynaa Inay Maanta Soo Gaadhaan Dalka Mashiino Cusub Oo Dibada Laga Keenayo, Waana Ogtihiin Oo Dalka Lagama Wada Helayo Waxyaalihii Fududaynayay. Markaa Qaar Cusub Oo Dibada Laga Keenayo Ayaanu Rajaynaynaa Inay Caawa Soo Galaan Iyo Qaar Dalka Yaalay Oo Aanu Doonayno Inaanu U Soo Iibino. Mashiinada Hore U Shaqaynayay 5 Ayay Ahaayeen, Runtii Waa Arin Si Kedis Ah Uun U Timid Inay Mar Kaliya Wada Fadhiistaan, Mushkiladoodiina La Xalin Kari Waayo, Laakiin Wakhtigii Ugu Fiicnaa Ee Wax Lagu Qaban Lahaa Ayaad Wax Ku Qabateen Ayaanu Isleenahay. Labada Maalmood Ee Soo Socdana Magaaladu Koronto Ayay Helaysaa.

Maalmihii Ugu Dambeeyey Qaybo Ka Mid Ah Magaalada Hargaysa Oo Laydhka Ka Heli Jiray Warshada Korontada Ee Hargaysa Ayaa Laydh La,aani Ku Dhacday Waxaana Ay Dadku Naawilayeen Sidii Loo Furdaamin Lahaa Ciladaasi.






Afkashacabka.com

Hargeysa /Office

Contact@afkashacabka.com