"Anagu beesha caalamka ayaanu dhinac la nahay dagaalka Yemen ka socda, hore mawqifkayaga waanu u caddaynay laakiin...."Cukuse

0
Thursday June 11, 2015 - 08:43:26 in by salman abdi
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Anagu beesha caalamka ayaanu dhinac la nahay dagaalka Yemen ka socda, hore mawqifkayaga waanu u caddaynay laakiin...."Cukuse

    Xukumadda Somaliland ayaa beenisay warar soo baxayay oo sheegayay inay qayb ka qaadanayso dagaalka ka socda waddanka Yemen.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xukumadda Somaliland ayaa beenisay warar soo baxayay oo sheegayay inay qayb ka qaadanayso dagaalka ka socda waddanka Yemen.

Wararka ayaa arrintan ku xidhiidhinayay in Imaaraadka carabtu kala hadlay Madaxweyne Siilaanyo sidii ay Somaliland door uga qaadan lahayd dagaalka ka dhanka ah Xuutiyiinta, taas badalkeedana taageero dhaqaale loo fidin doono Somaliland, balse Somaliland ayaa beenisay inay door ka qaadanayso dagaalka xulufada Sucuudiga.

Wasiirka Warfaafinta Somaliland, Cabdillaahi Maxamed Daahir Cukuse, oo ka mid ah weftiga madaxweyne Siilaanyo ee ku sugan Dubai, ayaa sheegay inaan wararkaasi waxba ka jirin "Ilaa hadda waxyaabaha aanu ka wada hadalnay Imaaraadka carabtu waxay ku kooban yihiin xidhiidhka labada dal iyo horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha Somaliland, arrinta dagaalka Yemen ka socdaa kamuu mid ahayn qodobada aanu heshiiska ka gaadhnay ama aanu ka wada hadalnay” ayuu yidhi Wasiir Cukuse oo BBC-da la hadlay Wasiir Cukuse, waxa uu ka hadlay halka ay Somaliland ka taagan tahay dagaalka Yemen oo uu sheegay inay taageersan yihiin dawladda sharciga ah ee Yemen "Anagu beesha caalamka ayaanu dhinac la nahay dagaalka Yemen ka socda, hore mawqifkayaga waanu u caddaynay laakiin, waxaaba hadda mushkilad nagu ah qaxoontiga nagu soo qulqulaya iyo awoodayada dhaqaale oo diciif ah, Imaaraadkana waanu uga mahadnaqaynaa inay gacan naga siin doonaan” ayuu yidhi Mudane Cukuse.


Wasiirka warfaafinta Somaliland waxa uu sheegay in Imaaraadku Somaliland ka caawinayo baahiyaha aasaasiga ah ee dhinacyada biyaha, kaabayaasha dhaqaalaha, sida Wadooyinka, dekedaha, Madaarrada iyo dhinaca Laydhka magaalooyinka waaweyn..