Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland oo Soo Gebogabeeyey Socdaalkiisii Maraykanka, Berri jimcahana ka soo Degi Doona Madaarka Caasimadda

0
Thursday June 11, 2015 - 09:29:36 in by salman abdi
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland oo Soo Gebogabeeyey Socdaalkiisii Maraykanka, Berri jimcahana ka soo Degi Doona Madaarka Caasimadda

    Afhayeenka Madaxtooyada Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Sulaybaan Dhuxul, oo in muddo ah socdaal ku marayey qaarada North America ayaa ku soo jeeda caasimada Somaliland ee Hargeysa maalinta Jimcaha ee bisha June 12-keeda.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Afhayeenka Madaxtooyada Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Sulaybaan Dhuxul, oo in muddo ah socdaal ku marayey qaarada North America ayaa ku soo jeeda caasimada Somaliland ee Hargeysa maalinta Jimcaha ee bisha June 12-keeda.

Afhayeenku wuxuu socdaalkiisa ka soo bilaabay dalka Canada isagoo kala qayb qaatay xafladihii dabaal-dega ee 18 May labada magaalo ee Toronto iyo Ottawa. Mudane Axmed Suleybaan Dhuxul markii uu xafladahaas kasoo qayb galay wuxuu jaaliyada reer Somaliland ee ku nool dalka Canada uga waramay xaalada uu wadanku hadda ku sugan yahay isagoo ku dhiiri galiyey inay wadankooda ka war hayaan oo wax u qabtaan iyo in ay ilaaliyaan sharciyada wadankan soo dhaweeyay, waxna ka qabsadaan halkan. Wuxuu kaloo aad uga mahad celiyey sidii heerka sare ahayd ee ay usoo dhaweeyeen labadaas jaaliyadood.  

Afyaheenku kadib wuxuu usoo ambabaxay wadanka Maraykanka isagoo kala qayb qaatey xafladihi dabaldaga ee maalintii ay Somaliland lasoo noqotay xarnimadeeda ee 18 May. Gobolada Maraykanka ee uu soo maray afhayeenku waxaa ka mid ahaa gobolka Minnesota oo ku soo horeeyey kadibna gobolka Columbus, Ohio, Washinton DC, Virginia, Chicago iyo Wisconsin, Milwaukee, iyo magalada New York City.  Mudane Axmed Dhuxul waxuu goboladaas oo dhan kasoo jeediyey khudbado isugu jiray dhiiri galin iyo warbixin ku saabsan dalkii hooyo.

 

Socdaalka mudane Axmed oo runtii ahaa mid aad u muhiim u ah - wuxuu kaloo la kulmay madax sar sare oo ka tirsan dawlada Maraykanka oo uu iyagana warbixin kasiiyey xaalada Somaliland iyo nabadeeda. Una sheegay in dadka Somaliland ay gaareen wax dal gaaraan,  waxa kaliya ee Somaliland u baahan tahayna ay tahay aqoonsi America siiso Somaliland.

 

Hadaba Mudane Axmed oo hadda kasoo amba-bixi doona magaalada Washington, DC ee caasimada wadanka Marayka maalinta khamiistaJune 11, wuxuu mahad naq balaadhan u soo jeedinayaa dhamaan jaaliyadihii kala duwanaa ee soo dhaweeyey intuu uu socdaalka ku marayey wadamada North America.  Waxa kaloo Mudane Ahmed ee aad ugu mahadnaqay, Ambassador-ka u fadhiya Somaliland Washington, DC ee Mudane Amb. Rashid Garuf oo runtii socdalka Afhayeenka aad ula socday intuu ku sugnaa North America.

Afhayeen Ahmed Sulaybeen Dhuxul, Waxuu gu beeganyahay caasimada Somaliland ee Hergaysa maalinta Jimcaha, June 12, 2015.

 

Jamal Daroor Shiine

Washington, DC, USA